Tababare Arsene Wenger Oo Xaqiijiyay In Aaron Ramsey Iyo Skhodran Mustafi Ay Seegi Doonaan Kulanka West Ham Ee Habeen Dambe.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Dec 12, 2017

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijyay in Aaron Ramsey iyo Skhodran Mustafi ay seegi doonaan kulanka London Derby ee ay London Stadium kula ciyaari doonaan West Ham kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Macalinka reer France wuxuu xaqiijiyay in labada xidig aysan ka qeyb galin safarkii ay ku aadeen bariga London sababo la xiriira dhaawacyo ay qabaan darteed.

Si kastaba Arsene Wenger ayaa qiray in labada xidig ay macquul tahay soo laabashadooda kulanka ay gurigooda kula ciyaari doonaan Newcastle bilowga isbuuca soo aadan.

“Mustafi sooma laaban” ayuu yiri Arsene Wenger isagoo ku jira shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka West Ham.

“Waxaan luminay Ramsey kukankii Southampton. isna diyaar ma noqon doono kulanka West Ham ee caawa dhacaya”

“Qof walba oo kale marka laga reebo ciyaartoyda waqtiga dheer dhaawacyada ku maqan diyaar ayey u yahiin kulanka”

“Miyey diyaar noqon karaan kulanka Newcastle? – Dabcan Haa”

Si kastab dhaawaca Aaron Ramsey wuxuu albaabka u furayaa Jack Wilshere kaas oo markii ugu horeysay kusoo bilaaban kara ciyaaraha horyaalka Premier League.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Aweys 12-12-2017 at 9:04 pm -

    Asc taageereyaasha dhamaan Gaar ahaan arsenal