Tababare Arsene Wenger Oo Ugu Dambeyn Xaqiijiyay Waqtiga Uu Go’aanka Ka Qaadan Doono Mustaqbalkiisa Arsenal.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Everton ku xaqiijiyay waqtiga rasmiga ah oo uu go’aan ka qaadan doono mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Saxaafadda ayaa cadaadis ku saartay inuu u sheego kulanka Everton ee Emirates inuu yahay kiisii ugu dambeeyay, balse wuxuu macalinka ku jawaabay – “Kuuma sheegi karo hadda”

“Waxaan u maleynayaa waxa noo muhiimsan anaga iney tahay inaan guuleysano kulanka aan ciyaareyno axadda”

“Kadib taas, waxa kaliya igu dhacaya maahan wax saas muhiim u ah, waxaan halkaan u joogaa inaan u adeego kooxda waxa ugu wanaagsanna waa inaan guul gaarsiiyo kulanka xiga”

Su’aal weyn ayaa dulsaaran mustaqbalka Arsene Wenger madama milkiilaha ugu sareeya kooxda Stan Kroenke uu kasoo duulayo mareykanka si uu kulankaas kaga qeyb galo.

“Waxaan u maleynayaa iney tahay kadib final-ka FA Cup-ka” ayuu yiri Wenger mar la weydiiyay waqtiga ugu dambeeya oo uu go’aan ka qaadan doono mustaqbalkiisa.

Ugu dambeyntiina Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay inuusan hubin waxa ka dhici kara kulanka u dhaxeeya isaga iyo maamulka kooxda.

“Ma garan karo waxa ka dhici doona kulanka, waxaa jira dhinacyo badan oo ka tirsan kooxda ayey tahay iney la wada hadlaan maamulka”

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments