Tababare Arsene Wenger Oo Beeniyay In Kooxdiisa Arsenal Ay Heshiis La Gaadhay Difaaca Schalke04 Ee Sead Kolašinac Oo Sidoo Kale Lala Xidhiidhinayo AC Milan, Chelsea Iyo Man City.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wuxuu si cad u xaqiijiyay in kooxdiisa Gunners ay  wax heshiis ah la gaadhin xidiga reer Germany iyo kooxda FC Schalke Ee Sead Kolašinac, si ay suuqa xagaaga ee soo aadan ay kaga soo dajiyaan Emirates Stadium.

Sead Kolašinac ayaa soo idlaanaya heshiiska uu ku joogo kooxda Schalke ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaana saxiixiisa si weyn lala xidhiidhinayay xiliyadii lasoo dhaafay sidoo kale u dhaqaaqista kooxaha Manchester City iyo AC Milan.

Arsene Wenger ayaa wuxuu kaga soo muqday shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Manchester City ayaa wuxuu kaga hadlay: “Waxaan awood buuxda u leeyahay inaan beeniyo inuusan jirin xidig aan la gaadhnay wax heshiis ah si aan u keensano Emirates Stadium, kaliya waxaan ka fikireena ayaa ah kulanka FA Cup-ka aan la yeelan doono Manchester City, mana doonayo in xiligan ka hadlo arima ku aadan suuqa ciyaaryahanada”.

Si kastaba Difaaca kooxda Schalke 04 ee Sead Kolasinac ayey ku dagaalamayaan saxiixiisa kooxo badan oo Yurub ahi waxaana sidoo kale kooxihii sida wayn ugu loolamayay adeegiisa ka mid ahaa Juventus, Manchester City iyo Chelsea.

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa waxay si weyn isugu diyaarineysaa inay ka gudubto imtixaanka adag ee kulanka xiisaha badan ay kula ciyaari doonto  semi-finalska FA Cup-ka kooxda Manchester City Wembley Stadium maalinka Axada ee soo aadan..

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments