Tababare Antonio Conte Oo Shaaca Ka Qaaday Wixii Uu U Sheegay Alexis Sanchez Markii Ay Ku Kulmeen Tunel-ka Garoonka Stamford Bridge.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Tababare Antonio Conte ayaa saxaafada hor yimid ka hor kulanka ay berito la ciyaarayan Leicester City, wuxuuna ka dhawaajiyay inuusan xilli dambe u dhaqaaqi doonin Alexis Sanchez kadib markii aad loo hadal qaaday dhabar ka taabashadii uu Sanchez ku sameeyay ka hor inta aysan bilaaban ciyaartii London Derby.

Kooxaha Arsenal & Chelsea ayaa ku kala baxay barbaro gool la’aan ah kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge – kulan ka tirsan wareega semi finalka tartanka Carabao Cup, Antonio Conte ayaa la arkayay isagoo hadal eray ku tuuraya Sanchez intii lagu soo socday Tunnel-ka garoonka.

Si kastaba Sanchez waa xidiga loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga madama  la filayo inuu isaga guuro Emirates Stadium, balse Conte wuxuu diiday inuu xidigaan u dhaqaaqi doono isagoo saxaafadda la wadaagay wixii dhexmaray iyo sida uu Sanchez u qiimeeyo.

“Waxaan ku iri “Hello” waa ciyaariyahan weyn, si weyn ayuuna u ogyahay xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyay Juventus waan isku daynay inaan kasoo iibsano Udinese, kadibna wuxuu go’aansaday inuu aado Barcelona” ayuu yiri Antonio Conte.

“Si fiican ayuu u yaqaanaa xushmadda aan u hayo, tanna waxey fursad fiican oo aan ku salaamo isaga”

“Ma jirto xaalad kale ama wada sheekeysi kale, aad baan u xushmeeyaa  ciyaartoyda waaweyn, waxaan qabaa inuu ka mid yahay ciyaartoydaas”

“Ma garan karo, ma garan karo, ma garan karo [halka uu aadayo], waa inaad weydiisaa dooqiisa ama weydii Arsenal, hadii ay go’aansadaan iney iibiyaan ka hor June ama hadda, balse hubaashii mustaqbalkiisa wuxuu jiraa koox weyn”