Tababare Antonio Conte Oo Ogolaaday Inuu Heshiis Cusub Saxiixo, Faah-Faahinta Heshiiska & Hadii La Xaliyay Khilaafkii Jiray.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Tababare Antonio Conte ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiis cusub oo sanadkii uu ku qaadan doono aduun dhan 9.5 Malyan oo Pound kadib markii uu helay balan qaad ku aadan in loo hirgalin doono saxiixyada uu bartilmaameedsaday.

Agaasimaha Chelsea Marina Granovskaia ayaa u muuqda inuu si hoose usoo afjaray khilaafaadkii jiray isagoo Conte ka dhaadhiciyay inuu saxiixo heshiis cusub, balse waxaa ku xiran shuruud ah in loo hirgalin doono dhamaan balanqaadyada loo sameeyay.

Antonio Conte wuxuu noqon doonaa 7-aad ee ugu mushaarka badan ee dunida iyo kan sadexaad ee Premier League madama uu ogolaaday heshiiska, waxeyna ka dhigan tahay in tababaraha reer Talyaani uu Stamford Bridge kusii sugnaan doono ilaa June 2021.

Chelsea waxey kalsooni ku qabtaa iney dhameystiri doonto saxiixyada Romelu Lukaku oo ka tirsan Everton, wiilka As Monaco Tiemoue Bakayoko iyo sidoo kale Willy Caballero.

47-jirkaan haatan wuxuu ku maqan yahay fasax uu ku joogo talyaaniga, balse wuxuu qorsheynayaa inuu iskuul uga raadiyo London gabadhiisa sidoo kalana ay xaaskiisa soo dagto caasimadda si ay noloshaas ugu raaxeystaan.

Ugu dambeyntiina Chelsea waxey kulamada fasax bilaabi doontaa 7-da July, waxeyna wajahi doonta kooxo ay ka mid yahiin Arsenal, Inter Milan & Bayern Munich.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments