Tababarahee Badali Doona Antonio Conte Hadii Uu Go’aansado Inuu Ka Tago Chelsea? Telegraph Ayaa Ka Warbixisay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Chelsea ayaa si fiican uga fakareysa badalka tababare Antonio Conte kaas oo ay macquul tahay inuu go’aansado ka tagista garoonka Stamford Bridge xagaagan madama ay maamulka kooxdiisa isku fahmi waayeen arrimo dhawr ah oo ay kamid yahiin dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga.

Telegraph ayaa qortay in Chelsea ay ka fakareyso tababaraha isaga tagay shaqada Barcelona ee Luis Enrique si uu badal macquul ah ugu noqdo tababaraha reer talyaani hadii go’aan kama dambeys ah uu ka gaaro kooxda.

Xiriirka u dhaxeeya milkiilaha Blues Roman Abramovich iyo tababarahiisa Antonio Conte ayaa si daran usii xumaaday, waxyaabaha ugu weyn ee dooda ka jirtaana waxey tahay in macalinkaan uu go’aansaday inuusan qorshahiisa ku darin Diego Costa xilli ciyaareedka soo aadan.

Intaas kadib Antonio Conte wuxuu maamulka ka dalbaday in loo soo iibiyo badalkiisa, sidoo kalana kooxda laga xoojiyo meelaha ay daciifka ka tahay si ay ugu yaraan tartan xoog leh ugu gasho dhamaan tartamada ay ka qeyb galeyso.

Antonio Conte haatan wuxuu ku maqan yahay fasax, balse – Blues goor hore ayey kasii fakartay badalkiisa sida ay qortay Telegraph iyadoo tijaabin doonta macalinka 9-ka koob la qaaday Barcelona sadexii sano ee uu maamulayay Luis Enrique.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments