Tababaraha Xulka Qaranka Cameroon Ee Hugo Broos Oo Soo Saaray Liiska Xulka Qarankiisa Uga Qayb Gali Doona Tartanka Fifa Confederation Cup

by Mohamoud Batalaale | Thursday, May 18, 2017

Tababaraha xulka qaranka Cemeroon ee Hugo Broos ayaa ku dhawaaqay 30 ciyaartoy ee uu kala qayb gali doono tartanka Fifa Confederation Cupka ee dalka Ruusha dhawaan ka dhici doona. Waxaa liiskan ku soo baxay todoba ciyaartoy oo cusub oo aan Cameroon uga qayb galin koobkii qaramada afrika ee  Africa Cup of Nations 2017 ee ay ku soo guulaysteen.

Waxaa markii ugu horaysay liiska xulka qaranka Cameroon ku soo baxay  Petrus Boumal kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda ree Bulgaria ee  CSKA Sofiam. Gool dhaliyaha Jean Pierre Nsame oo ka ciyaara horyaalka Switzerland oo 22 gool soo dhaliyay ayaa ka mid ah liiskan Cameroon u matali doona Confederation Cupka.

Laakiin ciyaartoyda sida lama filaanka ah looga dhex waayay liiskan waxaa ka mid ah  Clinton Njie, Eric Choupo-Moting with Nicolas Nkoulou.
Liiska Xulka Qaranka Cameroon Ee Tartanka Confederation Cupka:

Goolhaye:  Fabrice Ondoa (FC Sevilla, Spain), Jules Goda (Ajaccio, France), Georges Bokwe (Mjondalen, Norway) Andrew Onana (Ajax Amsterdam, The Netherlands)

Difaaca: Ernest Mabouka (MSK Zilina, Slovakia), Collins Fai (Standard Liege, Belgium), Lucien Owona (Alcorcon, Spain), Michael Ngadeu (Slavia Prague, Czech Republic), Adolphe Teikeu (Sochaux, France), Mohammed Djettei (Tarragona, Spain), Ambroise Oyongo (Impact Montreal, Canada), Jonathan Ngwem (Sambizanga, Angola), Jerome Guihoata (Panionios, Greece), Jean Louis Castelletto (Red Star, France)

Dhexda:  Frank Boya (1860 Munich, Germany), Sebastien Siani (Oostende, Belgium), Arnaud Djoum (Hearts, Scotland), Georges Mandjeck (FC Metz, France), Zambo Anguissa (Marseille, France), Petrus Boumal (CSKA Sofia, Bulgaria)

Weerarka:  Vincent Aboubakar (Besiktas, Turkey), Benjamin Moukandjo (Lorient, France), Christian Bassogog (Henan Jianye, China), Karl Toko (Angers CSO, France), Olivier Boumal (Panathinaikos, Greece), Jacques Zoua (FC Kaiserslautern, Germany), Robert Tambe Ndip (Spartak Trnava, Slovakia), Nicolas Ngamaleu (Rheindof, Austria), Jean Pierre Nsame (Servette, Switzerland), Edgard Salli (Nuremberg, Germany).

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments