Tababaraha Tottenham Ee Mauricio Pochettino Oo Sheegay In Kooxdiisa Spurs Ay Tahay Kooxda London Ugu Caansan Oo Ay Ka Wayn Tahay Chelsea Iyo Arsenal.

by Mohamoud Batalaale | Friday, Apr 21, 2017

Tottenham ayaa hadda ah kooxda ugu caansan London isla markaana leh dhaqanka kubbadeed ee la heerka ah kooxaha Manchester United iyo Liverpool sida uu aaminsan yahay macalinka Spurs ee Mauricio Pochettino. Tottenham ayaa afar dhibcood oo kaliya ka hoosaysa Chelsea waxayna xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah u ordaysaa in ay ku guulaysato koobka Premier Leaque-ga.

Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa ka hor kulanka FA Cupka ee ay kooxdiisu Chelsea la ciyaarayso Wemley Stadium ayaa  sheegay in Spurs ay London kaga caansan tahay kooxaha ay xifiltamaan ee Chelsea iyo Arsenal. Tottenham ayaa 22 sano kadib u muuqata in ay ku dhamaysanayso meel Arsenal ka saraysa.

Mauricio Pochettino oo la hadlayay Cadena Ser ayaa yidhi: ” Anigu waxaan jecelahay in aan halkan sii joogo inta ugu dheer ee ugu suurtogalsan, sababtoo ah waa koox taariikh leh, waa kooxda ugu caansan London isla markaana ka caansan Arsenal iyo Chelsea. Halkan ayaan ku faraxsanahay”.

Mauricio Pochettino oo Tottenham barbar dhigaya Man United iyo Liverpool ayaa yidhi: ” Tottenham waa koox taariikhi ah waxayna la heer tahay sida Manchester United iyo Liverpool. Marka aad qiimayso labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay, waxay Tottenham ahayd kooxda qaab ciyaareedkeeda ugu soo joogtaysay Premier Leaque-ga. Waxaanu gaadhnay dhibco ka badan koox kasta labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay”.