Tababaraha Croatia Zlatko Dalić Oo Wacad Ku Maray In Wiilashiisu Ay Ku Guuleysan Doonaan Joojinta Halista Mbappé & Griezmann Qaab La Mid Ah Sidii Ay Messi Ku Sameeyeen.

Tababaraha xulka qaranka Croatia ee Zlatko Dalić ayaa xaqiijiyay in ay awoodi karaan joojinta halista labada xidig ee xulka qaranka France ee kala ah Kylian Mbappé iyo Antoine Griezmann, sida ay u soo joojiyeen kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi.

Labada xul France iyo Croatia ayaa ku balansak in ay ku wada ciyaaraan Axada soo aadan ay taariikhda ku beegan tahay 15-ka bisha July kulanka finalka koobka aduunka ee 2018 uu sanadkan qaban qaabadiisu looga haray dalka Russia.

Xulka qaranka Croatia ayaa si layaab leh kaga sameeyay bandhig cajiib ah koobka aduunka 2018, kadib markii uu iska xaadiriyay finalka tartankan markii ugu horeesay ee taariikhda, waxaana suuragal ah inuu ku guuleysto.

Wiilasha tababare Zlatko Dalić ayaa waxay tartankan guulo kala duwan kaga soo gaareen, Argantian ayay heerka group-yada ku garaaceen 3-0, waxayna difaacyada xulka qaranka Croatia ay awoodeen in ay si buuxda kaga hor tagaan halista kabtanka xulka qaranka Aragntina ee Lionel Messi.

Zlatko Dalić ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka xiisaha badan ee finalka koobka aduunka 2018 kaga hadlay sida uu ugu kalsoon yahay in wiilashiisa ay kahor tagi karaan halista xidigaha Kylian Mbappé iyo Antoine Griezmann.

Dalić ayaa sheegay: “Croatia waxay awoodaa inay sii wado qaab ciyaareedkeeda wanaagsan, waxaa xaqiiqo ah in xulka qaranka France uu yahay mid aad u adag, laakiin waxaan kusoo guuleesanay joojinta halista Lionel Messi, Christian Eriksen iyo Harry Kane, sidaasi darteed waan awoodnaa inaan joojino khatarta xidigaha Kylian Mbappé iyo Antoine Griezmann”.