TAARIIKH: Juventus Oo Markii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Coppa Italia, Dani Alves & Leonardo Bonucci Oo Goolasha Dhalyay Iyo Bianconeri Oo Taariikh Cusb Dhigtay.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, May 18, 2017

Juventus ayaa taariikh cusub udhigtay kooxaha horyaalka Talyaaniga waxayna noqotay kooxdii ugu horaysay ee abid saddex xili ciyaareed oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka ay difaacanaysay ee Coppa Italia. Leonardo Bonucci iyo Dani Alaves ayaa Juventus guushan ku hogaamiyay kadib marikii ay min hal gool dhaliyeen qaybtii hore ee kulankan waxayna Old Lady qaybtii danbe u ahayd mid ay iskaga raaxaysatay isla markaana ay natiijada ilashatay.

SHIXHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

JUVENTUS: (4-2-3-1): Neto; Barzagli, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Rincon, Marchisio; Dani Alves, Dybala, Mandzukic; Higuain.

KAYDKA:Buffon, Benatia, Cuadrado, Mattiello, Lemina, Asamoah, Lichtsteiner, Sturaro, Kean, Audero, Leris.

LAZIO:(3-5-2): Strakosha; Bastos, De Vrij, Wallace; Basta, Parolo, Biglia, Milinkovic-Savic, Lulic; Immobile, Keita.

KAYDKA:: Hoedt, Patric, Djordjevic, Felipe Anderson, Crecco, Alberto, Lombardi, Radu, Adamonis, Vargic, Tounkara, Murgia.

Juventus ayaa diyaar u ahayd in ay samayso taariikh cusub iyada oo doonaysay in ay noqoto kooxdii abid ugu horaysay ee saddex sano oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka  Coppa Italia oo ay Stadio Olimpico kula ciyaraysay kooxda Lazio. Max Allegri ayaa doonayay in kooxdiisa Juventus ay xili ciyaareedkan ku guulaysato saddexda koob oo ay mid kasta u haystay fursad isku mid ah.

Juventus ayaa shaqadeeda qabsatay qaybtii hore ee kulankan waxaana shaqadii ay weerarkeedu ku fahsilmeen u qabtay saddex difaac oo dhaliyay laba gool isla markana dhexdooda iska caawiyay. Waxayna Old Lady muujisay in ayna ahayn koox weerar kaliya wax ka sugaysa.

DAQIIQADII 12 AAD Juventus ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee Lazio wadnaha gooyay waxaana goolkan u saxiixay Dani Alves oo muujiyay sida uu wali yahay xidigii uu waqti dheer soo ahaa wuxuuna caawin ka helay saxiibkiisa Alex Sandro waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Old Lady xili horeba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 20 AAD Lazio ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxaana qasab ku noqotay in xili horeba ay shaxdooda isbadal ku sameeyeen waxaana ciyaarta laga saaray Marco Parolo oo markii horeba shaki la galinayay taam ahaanshihiisa waxaana kayda ka soo baxay Ştefan Daniel Radu.

DAQIIQADII 24 AAD Juventus ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay xaalada xun ugu sii abuurtay Lazio waxaana markan Lazio qalad xun oo ay sameeyen ku ciqaabay  Leonardo Bonucci kaas oo dhaliyay goolkiisii shanaad ee xili ciyaareedkan waana xili ciyaareedkii uu goolasha ugu badan soo dhaliyay waayihiisa ciyaareed ee 12 sano jirsaday balse markale waxaa caawinta goolkan sameeyay  Alex Sandro waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Old Lady hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Lazio ayaa awoodi wayday in ay qaybtii hore ee ciyaarta wax goolal ah la timaado waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2:0 ay Juventus koobka labada gacmoodba ugu sii dhigtay isla markaana ay 45 daqiiqo u jirtay in ay taariikh cusub abuurto.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa noqotay mid ay Juventus natiijada ciyaarta ku sii go’aamisay qaybtii hore ee kulankan wuxuuna Allegri doonayay in ay ciyaartoyda muhiimka ahi kaga dhaawacmin kulankan waxayna Juventus muhiimada saaraysay sidii ay natiijada ciyaarta ee ay guusha ugu taagnayd u ilaashan lahayd.

Lazio ayaan awoodin in ay ciyaarta dib ugu soo laabto waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2:0 ay Juventus ku garaacday Lazio si ay taarikh cusub ugu dhigto kooxaha horyaalka Talyaaniga waxayna Old Lady noqotay kooxdii ugu horaysay ee Coppa Italia ku guulaysatay saddex xili ciyaareed oo xidhiidh ah, waxayna muujisay sida ay u qabsatay koobabkii maxaliga ahaa ee Talyaaniga.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments