Taageere Kooxda Atletico Madrid Ah Oo Iska Horkeenay Jamaahiirta Real Madrid Iyo Goolhaye Thibaut Courtois Isaga Oo Keenay Muuqaal Aflagaado Ah Oo La Qabtay 2013 Kii.

Haddii jamaahiirta kooxda Barcelona ay goolhaye Thibaut Courtois ugu maadsadeen waxyeeladii ka soo gaadhay Lionel Messi isla markaana ay goolhayaha ree Belgium si maad ah ugu soo dhaweeyeen La Liga, waxaa soo baxay taageere kooxda Atletico Madrid ah oo iska horkeenay jamaahiirta kooxda Real Madrid iyo goolhaye Thibaut Courtois.

Sida la ogyahay goolhaye Thibaut Courtois ayaa saddex xili ciyaareed oo guulaystay ku soo qaatay kooxda Atlatico Madrid wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoydii muhiimka ahayd ee Atletico Madrid ka soo caawiyay ku guulaysiga koobka La Liga laakiin waxa uu taageero Atletico Madrid ahi soo bandhigay muuqaal waji gabax ku ah Thibaut Courtois oo uu ku aflagaadaynayo jamaahiirta Real Madrid.

Dhacdada muuqaalkan ayaa ahayd sanadkii 2013 kii markaas oo aanu Thibaut Courtois ka fikirayn in uu Real Madrid maalin ka soo muuqan doono wuxuuna isaga oo ku faraxsanaa guulihii kooxdiisii hore ee Atletico Madrid uu si aan la rumaysan karin ugu heesayaa erayo uu ku aflagaadaynayo kooxda uu hadda ku biiray ee Real Madrid.

Jurgen Klopp ayaa dhawaan saxaafada ka hor sheeagy in la soo gaadhay waqti wax walba oo qashin ah oo aad ku hadashaa aanu lumayn oo la haynayo mar wax laga waydiiyay hadaladii uu iibkii Man United ee Paul Pogba uu ku dhaliilay waxaana su’aashan la hor dhigay markii ay Liverpool goolhaye Alisson rekoodhka suuqa u jabisay.

Waxaana maanta taas la mid ah in goolhaye Thibaut Courtois la horkeenay waxqaabo qashin ah oo uu ku hadlay sanadkii 2013 kii kaas oo uu hadda ka shalaynayo in uu erayo noocaas ah ka sheegay kooxda uu heshiisa lixda xili ciyaareed ah u saxiixay ee Madrid.

Haddaba sida aad muuqaalka hoose ka daawan doonto waxa uu taageere Atletico Madrid ah oo ay ugu qoran tahay AtléticoFans uu soo bandhigay muuqaalka uu Thibaut Courtois ku aflagaadaynayo jamaahiirta kooxda Real Madrid.

AtléticoFans ayaa muuqaalka soo raaciyay qoraalkan uu Courtois kula hadlay wuxuuna yidhi: “Hey Courtois, waa xusuus yar oo kaliya ee waqtigii aad taagnayd halkka Madrid ee Balcony ee aad jamaahiirta Real aad u sheegtay: “in ay naftooda w****n inkasta oo aanad jeclayn in aad iyada xusuusato”.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka AtléticoFans uu iskaga hor keenay Courtois iyo jamaahiirta kooxdiisa cusub ee Real Madrid iyo xusuusta sanadkii 2013 kii markaas oo aanu Courtois ka fikirayn in uu noqon doono ciyaartoy Real Madrid ah.

Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid ayaa ka fikiri doonta in ay sawirka Courtois ay ka jarto garoonkeeda cusub ee Wanda Metropolitano kadib markii uu ku biiray kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid waxaana la ogaan doonaa haddii Courtois uu markiiba kooxdiisii hore ee Atletico Madrid uu kaga hor iman karo finalka UEFA Super Cupka.