Taageerayaal Ay Koronto Ku Dishay Nigeria Xilli Ay Daawanayeen Kulankii Man United & Anderlecht & Red  Devils Ay Tacsi U Dirtay

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Manchester United ayaa tacsi u dirtay taageerayaal reer Nigeria ah oo ku geeriyooday koronto ku dishay goob ay ka daawanayeen kulankii xalay dhexmaray Red Devils iyo Anderlecht kaas oo ka tirsanaa quarter finalka UEFA Europa League.

Booliska Nigeria ayaa xaqiijiyay iney taageerayaasha ku dhinteen goob ay ku daawanayeen kulankii xalay ay United ugu gudubtay Semi finalka Euroap League.

Goobta ay wax ka dhaceen waa magaalada dekedda leh ee  Calabar ee ku taala koonfurta wadanka Nigeria una dhaw xadka wadanka Cameroon.

“Waxaan u duceyneynaa taageerayaasha United, saaxiibada iyo qoysaska ay ku waxyeeloobeen musiibadii ka dhacday shalayto magaalada Calabar” ayaa lagu soo qoray barta twitter-ka Man United.

Booliska waxey xaqiijiyeen in fiilada ay kusoo dhacday bartamaha goobta wax lagu daawanayay, waxeyna ku timid cilad dhanka korontada ah oo markaas jirtay.

Booliska waxey sheegeen in 10:00 habeenimo lasoo wargaliyay halka uu dhibka ka dhacay isla markaana ay goobta gaareen.

Goob jooge u hadlay mid ka mid ah talafashinada dalka Nigeria kaas oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday dhibta ayaa ka warbixiya sidey wax u dhaceen, wuxuuna qiray inuu fadhiyay kuraasta hore isla markaana uu noqday qofkii ugu horeeyay ee ka orda.

30-qofood ayaa ku dhimatay sida ay warbaahintu sheegayaan, balse Red Devils arintaas kama aamusin waxeyna bartooda bulshada ku sheegeen iney murugada la qeybsanayaan.