SUUQA: Sadex Ka Mid Ah Kooxaha Chinese Super League Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Kabtan John Terry

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 1, 2016

Sadex ka mid ah kooxaha horyaalka Chinese Super League ayaa isku garbinaya saxiixa kabtanka waaya aragga ah ee kooxda Chelsea John Terry sida ay ku warantay Daily Star.

Shanghai Shenhua ayaa kooxda baahida ugu ba’an muujineysa madama mudooyinkii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay inuu ka hoos ciyaari doono tababarahii h--e Sunderland Gus Poyet kaas oo isbuucii lasoo dhaafay loo doortay macalinka cusub ee kooxdaas.

Kooxaha kale ee lala xiriirinayo xidigaan heerka caalami ayaa lagu sheegay Shanghai SIPG iyo Guangzou Evergrande kuwaas oo ay kala hogaamiyaan macalinkiisii h--e Chelsea Andre Villas-Boas iyo tababarahii koobka Aduunka uu qaaday Brazil 2002 Luiz Felipe Scolari.

terry-1

Dhanka kale John Terry qudhisa ayaa qaba fikir ah in la joogo waqtigii uu u dhaqaaqi lahaa qaaradda Asia madama uu boos ka heli waayay shaxda Antonio Conte.

Like it? Share it!

Leave A Response