SUUQA: Paris Saint Germain Oo La Xiriirtay Aabaha Lionel Messi Sidoo Kalana Halyey Barcelona Ah U Adeegsan Doonta Soo Xerogalintiisa

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Paris Saint Germain ayaa xiriir la sameysay aabaha dhalay Lionel Messi iyadoo rajeyneysa iney hogaamiyaha reer Argentina ay kasoo dajiso garoonka Parc des Princess sida ay shaacisay RTL.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiso u qabin heshiis kordhinta Barcelona, iyadoo heshiiskiisa haatan ee garoonka Camp Nou uu dhacay xagaaga 2018.

Si kastaba maamulka kooxda Paris Saint Germain ayaa geed walba u fuuli doona sidii ay kusoo xerogalin lahaayeen Lionel Messi kaas oo ay u arkaan inuu kooxda wax badan kusoo kordhin doono.

 

messi

Dhanka kale Paris Saint Germain ayaa u adeegsan doonta helitaanka Lionel Messi, xidigii h--e qaranka Holland Iyo Barcelona Patrick Kluivert si uu ugu qanciyo Leo inuu yimaado caasimadda France.

Like it? Share it!

Leave A Response