Suuqa Kale Iibsiga: Manchester City Oo Dalab Qaali Ah Ka Gudbineysa Daafaca Bayern Munchen Ee David Alaba

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Oct 18, 2016

Xidiga boosaska iyo dhaslashooyinka badan ee David Alaba ayaa laga doonaya garoonka City Of Manchester Stadium ee galbeedka England iyadoo macalin Pep Guardiola uu doonayo inuu la midoobo xidigaan ree Austria.

Alaba oo ay iska dhaleen hooyo Philipines ah iyo aabe Nigerian ah ayaa ku dhashay dalka Austria wuxuuna tan iyo 15 jirkiisii qeyb ka yahay kooxda koowaad ee Bayern Munchen isagoo mudo sideed sano ah uu kooxdaasi u ciyaarayay kaga ciyaaray booskas daafaca bidix, daafac dhexe, khadka dhexe ee burburiyaha, khadka dhexe ee no.8 iyo waliba garabka weerar ee 11.

Sida ay qoreyso Daily Mirror, macalin Pep Guardiola ayaa doonaya inuu daafacaan kula midoobo Etihad isagoo diyaar ula ah kooxdiisi h--e lacag dhan £4o milyan oo pound.

pep-guardiola-and-david-alaba

City ayaana ka ceebsan lacag ka bixinta daafacyo qaali ah iyagoo lacag ka badan £100 milyan oo pound ka soo bixiyay Mangala, Otamendi iyo John Stones.

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. mohamed 18-10-2016 at 2:20 pm - Reply

    Man city hadii ay laba difac oo labada balood ah soo ibsato arinkeedi waa dhag dhag.

  2. mohamedjamac 18-10-2016 at 2:12 pm - Reply

    guardiola haduu kan soo gato intee laga galaa ✌🏻️😂😂

Leave A Response