Suuqa Kala Iibsiga: Manchester United Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarineysa Juan Manuel Mata

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Sida ay warineyso majaladda The Sun ee England kasoo baxda kooxda Manchester United ayaa diyaar u ah iney heshiis kordhin ku abaalmariso kubad sameeyaha reer Spain Juan Manuel Mata kaas oo kusoo baxay isku xiraha ugu fiican ee kooxda.

Xidigaan heerka caalami ee qaranka Spain ayaa qandaraaska uu haatan kooxda ku joogo wuxuu ka dhamaanaya 2018, Red Devils maamulkeeda ayaana doonaya ka hor waqtigaas iney heshiiska u kordhiyaan.

Bilowgii imaatinka Jose Mourinho ayaa la isla dhexmaray warar sheegaya in Juan Mata uu isaga tagayo madama ay saxaafaddu hadal qaaday xiriirkii xumaa ee kala dhaxeeyay macalinka reer Portugal.

juan

Si kastaba Juan Mata ayaa muujiyay sida uu muhiim ugu yahay kooxda Jose Mourinho wuxuuna dhamaan tartamada oo dhan saftay 18-kulan taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu safashada badan xagaagan kooxda United.

Like it? Share it!

Leave A Response