Suuqa Kala Iibsiga: Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Bisha January Lasoo Saxiixdo Sadex Daafac Oo Daboola Baahida Ay Kooxdu Qabto, Alaba Ayaa Ka Mid Ah

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 2, 2016

Manchester United ayaa diyaar u ah iney bisha January sameyso suuqgal baahsan markaas oo qorshaheedu yahay kaliya iney adkeyso daafaceeda.

Red Devils ayaa kaliay 7-kulan ilaashatay shabaqeeda dhamaan tartamada oo dhan xagaagan iyadoo Cris Smalling iyo Eric Bailly ay dhaawacyo kooxda kaga maqan yahiin, Jose Mourinho ayaana bartilmaameed ka dhiganaya qaar ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan qaaradda yurub xiligaan.

Madaxa fulinta kooxda Ed Woodward ayaa diyaarinaya lacagaha lagu soo iibin lahaa ciyaartoydaan iyo mushaarkooda waxaana Mou uu ka fakari doonaa sidii uu Old Trafford ku keeni lahaa.

Sadexda xidig ee diirada u saaran Jose Mourinho waxaa ka mid ah David Alaba oo ah waaya arag muddo badan ka tirsanaa kooxda Bayern Munich, daafaca Southampton loona aqoonsan yahay haatan mid ka mid ah daafacyada ugu fiican xagaagan EPL-ka Van Dijk iyo daafaca reer Switzerland Dragovic kaas oo isna bandhig wanaagsan sameeyay Euro 2016.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Abdifatah 02-12-2016 at 2:21 pm - Reply

    Dragovic wuxu ka yimi Austria

Leave A Response