Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Horyaalka Premier League Oo Xirmay & Xog Ku Saabsan Sida Uu Xeerka Cusub U Shaqeynayo.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalka Premier League ayaa gabi ahaanba soo xirmay, waxaana istaagaya in kooxaha heerka koowaad ay gabi ahaanba wax soo iibsadaan ilaa laga gaaro sanadka cusub markaas oo la furi doono suuqa jiilaalka.

Daqiiqado ka hor ayuu suuqa soo xirmay iyadoo Manchester United aysan wax saxiix ah sameynin iyadoo aheyd kooxda ugu badan ee ciyaartoy lala xiriirinayay sida: Diego Godin, Harry Maguire, Toby Alderweireld iyo Yerry Mina.

Suuqa waxaa guulaha ugu waaweyn ka gaaray Liverpool oo goor hore isaga baxday isla markaana keensatay Naby Keita oo ay xagaagii hore la heshiiyeen, Fabinho, Xherdan Shaqiri iyo sidoo kale goolhayaha reer Brazil Allison Becker.

HALKAN KA DHAGEYSO XIDIGAHA LALAWAREEGAY

Dhanka Gunners waxaa soo gaaray intii uu suuqa furnaa xagaagan goolhaye Bernd Leno oo ay lacag aan la shaacin uga soo qaateen Leverkusen, Stephen Lichtsteiner oo ay si xor ah uga soo qaateen Juventus iyo xidigaha kala ah Sokartis, Lucas Torreira iyo Guendouzi.

Markaan fiirino Blues waxey heleen goolhaye Kepa Arrizabalaga oo ay ka dhigeen kan ugu qaalisan dunida iyo Mateo Kovacic oo ay amaah uga soo qaateen Real Madrid kana mid ahaa heshiiskii uu THibaut Courtois ku aaday Los Blancos, halka Jorginho uu soo raacay Maurizio Sarri.

Pep Guardiola mar hore ayuu ka baxay suuqa, kaliya Riyad Mahrez ayey xagaagan soo qaateen kaas oo ay 60 Malyan ka siisteen Leicester City.

XUSUUSNO: Kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska ilaa 31-ka August waxaa loo ogol yahay iney amaah isku siiyaan ciyaartoyda, sidoo kalana kooxaha dibadda wey iibsan karaan xiddigaha ka ciyaara Premier League.