Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Horyaalka Premier League Oo Furmay & Wax Walba Oo Ku Saabsan Hadal Heynta Kooxaha Waaweyn.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 17, 2018

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalka Premier League ayaa si toos ah maanta u furmay sida ay warbaahinta Ingiriiska kusoo xog warrameen, waxeyna ka dhigan tahay in koox walba ay sameyn karto saxiix.

Kooxaha horyaalka heerka koowaad ayaa u codeeyay in gabi ahaan suuqa kala iibsiga lasoo xiro ka hor bilowga fasal ciyaareed walba, taasoo ka dhigan inuu xirmi doono suuqa Premier League 9-ka August oo ah laba maalmood ka bilowga fasalka dambe.

Sidaas darteed maamulka waxey ku qasbanaadeen iney raacaan xeerka FIFA ee sheegaya iney qasab tahay suuq walba inuu furnaado 12-isbuuc, taasoo ka dhigan in maanta daaha laga qaaday.

Koox walba oo ka dhisan Premier League waxey maanta sameyn kartaa saxiix, balse sida kooxaha kale ee yurub kuma daahi doonaan oo kuma gaari doonaan 31-ka August.

Hadal heynta kooxaha:

Dhamaan kooxaha horyaalka waxey doonayaan iney dukaameystaan mid walbana ay is xoojiso – Guardiola wuxuu shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay kaliya u baahan tahay 2-xidig oo qura. Waxaana lala xiriirinayaa xiddiga Shakhtar ee Fred.

Red Devils ayaa iyana dooneysa iney buuxiso boosas badan, waxaana lala xiriirinayaa kooxda uu hogaamiyo Jose Mourinho dhawr xidig oo kala ah: Alex Sandro, Heysaj, Jean-Michael Serri, Savic iyo ciyaartoy kale oo uu ka mid yahay Gareth Bale.

Chelsea & Arsenal waxey baadi goobayaan tababare, sidaas darteed macalinka imaan doona ayey wax walba oo suuqa ah ku xirnaan doonaan, halka Liverpool si hoose loola xiriirinayo Thomas Lemar iyo Nabil Fekir.

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. poul pogba 17-05-2018 at 9:30 pm -

    hadaanahy jamaahiirta reer man waxaan leenahy lambarada 11 2 3 9
    BAAN UBAAHANHY REER MAAN IYO
    MANECHER

  2. casanyo 17-05-2018 at 2:57 pm -

    hadan ka hadlo lacibka bbr waa laacib anficidono Manchester United

  3. casanyo 17-05-2018 at 2:55 pm -

    waan idin salamay dhaam

  4. casanyo 17-05-2018 at 2:54 pm -

    taasI macqul mahan maxyelay ciyartoy walba wuxu ku fikiraya inu world cup uu isku diyariyo balse tababare waa wax iska Fudud balse laacib mustaqbilkisu waa world cup

  5. Abdalla 17-05-2018 at 2:34 pm -

    markii hore dhadhankii kubada cagta ayaa dhamaaday hadana dhadhankii suuqa ayaa dhamaanaya. ma koob aduun baa laga hadlaa mise suuq. xiligaanna ma aha xilli uu laacibku go,aan kaari karo oo wuxuu ka fakarayaa world cup.