Suuqa Kala Iibsiga: Chelsea Oo Kusoo Biirtay Loolanka Ay Kooxaha Yurub Ugu Jiraan Saxiixa Faouzi Ghoulam

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Nov 30, 2016

Kooxda Chelsea ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Napoli Faouzi Ghoulam sida ay warineyso jariiradda Le Buteur.

Sida warbixinta lagu sheegay Antonio Conte ayaa doonaya inuu xoojiyo daafaciisa isagoo doonaya inuu lasoo saxiixdo daafaca reer Algeria balse ku dhashay dalka France.

Daafacaan waaya aragga ah ayaa bandhig qurux badan ka muujiyay Serie A-da xagaagan waxaana saxiixa isku heysta kooxaha Arsenal, Manchester City Iyo Paris Saint Germain kuwaas oo dhamaan isha ku haaya xidigaan.

faouzi-ghoulam

Ugu dambeyntiina Chelsea ayaa diyaar la ah iney bixiso aduun dhan 24 Malyan Oo Pound, balse Napoli madaxweynaheeda ayaa ah mid mar walba xidigahiisa dul dhiga lacago fara badan.

Like it? Share it!

Leave A Response