Stuart Pearce Oo Aaminsan In Diego Costa Uu Hal Arin Kaliya Kaga Hooseeyo Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 2, 2016

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa sameeyay wax walba oo uu kula heer noqon karo Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo, balse hal arin ayuu awoodi waayay sida uu aaminsan yahay xidigii h--e xulka qaranka England Stuart Pearce.

Diego Costa ayaa noqdya xagaagan furaha Chelsea kadib markii uu 10-gool dhaliyay 13-kulan oo horyaalka ah taasna ay sababtay inuu Pearce u arko inuu yahay mid lama joojiyaan ah.

Inkastoo uu xagaagii h--e dhibaatada kooxda xalin waayay Costa hadana xagaagan waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu cad-cad gooldhalinta horyaalka Ingiriiska

'Costa only missing one attribute that Messi and Ronaldo have'

Pearce ayaa aaminsan in Diego Costa uu yahay furaha ugu muhiimsan ee kooxda balse dhibaatada ugu ba’an ee uu qabo ay tahay inuusan xawaare ku dhaafi karin ciyaartoyda taasna ay tahay arinta uu kaga dambeeyo Messi iyo Ronaldo.

“Costa waa lama joojiyaan, waqti xaadirkaan” ayuu yiri Pearce oo la hadlayay Daily Express.

“Aniga ahaan waxey ila tahay inuu wax walba sameeyay, balse arinta kaliya ee uu kasoo bixi la’yahay waxey tahay inuu awood xawaare ku dhaafo ciyaartoyda kasoo horjeeda marka ay noqoto arintu (hal iyo hal) sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo”

Dhanka kale Pearce ayaa aaminsan in Chelsea ay noqon karto kooxda ugu cad-cad horyaalka hadii ay natiijo fiican ka hesho sabtida Etihad Stadium iyo sidoo kale kulamada ay ciyaareyso inta ka hartay sanadkaan oo kala ah: West Brom, Sunderland, Crystal Palace, Bournemouth iyo Stoke.

Like it? Share it!

3 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. chelsea 02-12-2016 at 9:09 am - Reply

    inaan soo booqano iska daaaye commentski iyo fikradihii an la wadaagi jirney mrkii qaabki la bedelay lagu kala yaacay

  2. chelsea 02-12-2016 at 9:09 am - Reply

    inaan soo booqano iska daaaye commentski iyo fikradihii an la wadaagi jirney ma hayno

  3. chelsea 02-12-2016 at 9:07 am - Reply

    runtiii websiteka sports ka hadlo kan loogu aqriska badanyahay ayuu ahaa maaantana qaabkii lagu bartey oo la bedelay ayaa ka dhigay mid dumay.

Leave A Response