Spain & England Oo Qarka U Saaran Iney Waayaan Qaanadda Koowaad Marka La Sameynayo Isku Aadka Koobka Aduunka & Dhibta Ay La Kulmi Karaan.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Isku Aadka Koobka Aduunka ayaa la sameyn doonaa 1-da December, labadaba England & Spain ayaana u muuqda kuwa weyn kara iney kasoo muuqdaan qaanadda koowaad.

Sida ay wadamada qaanadaha u kala gali doonaan waxaa lagu saleyn doonaa qiimeynta Bilaha FIFA ee soo bixi doonta 16-ka October, La Roja waxey ku jiraan kaalinta 11-aad, halka Sadexda libaax ay ku jiraan kaalinta 15-aad – waxaana ka sareeyya xulalka Poland iyo Portugal.

Qeybta labaad waxaa kasoo muuqan kara Mexico, Colombia & xulka Uruguay, waana qeybta laga yaabo iney Spain & England kasoo muuqdaan.

Qeybta sadexaad waxaa kasoo muuqan doona tiro xulalka awoodooda meel dhexaadka tahay: Iceland, Egypt, Costa Rica iyo Iran, halka qeybt afaraad ay iska xaadiriyeen goor hore Serbia, Nigeria, Japan, South Korea, Panama iyo Saudi Arabia – marka laga hadalo wadamada ilaa iyo haatan xaqiijiyay usoo bixitaanka koobka Aduunka.

Dhanka kale qeybta labaad waxaa kusoo bixi kara wadamada Croatia, Italy, Peru & Switzerland hadii ay xaqiijiyaan booskooda koobka Aduunka madama ay Play-off ciyaarayaan.

Waa Maxay Dhibka Ugu Jira Spain & England qeybta labaad?

Ma jirto dhibaato weyn oo ugu sugan marka laga reebo iney macquul tahay wadan weyn iney la galaan hal group, tusaale: Brazil vs Engalnd, Germany vs Spain.

Dhamaan wadamada ku jira qeybta koowaad marka la tixraaco qiimeynta bilaha FIFA ee soo baxday bishii Septmber waxaa ku jira liiska: Russia, Brazil, Portugal, Argentina, Belgium, Polan & France.

Ingiriiska & Spain waxey group la gali karaan dhamaan wadamadaas waaweyn ee halistooda leh, waxaana qaabkaan cusub uu xiiso u yeelayaa tartanka madama wadamo waaweyn ay group wada gali doonaan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments