Soomaaliya Oo Loo Ogolaaday Inay Martigeliso Ciyaaraha Caalamiga Ah Markii Ugu Horeysay Ku Dhawaad Muddo 30 Sannadood Ah.

by Saed Balaleti | Friday, Apr 21, 2017

Soomaaliya ayaa martigelin doonta markii ugu horeysay ku dhawaad 30 sannadood ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii madaxa xiriirka kubada cagta Afrika uu sheegay inuu u furan yahay fekerkaas.

Madaxweyanaha xiriirka kubada cagta Afrika Ahmad ayaa ugu baaqay Soomaaliya inay bilowdo inay ciyaaro saaxiibtinimo dalka gudihiisa ku martiqaado dalka Jabuuti. Markii ugu danbeysay ee kulan heer caalami ah lagu qabto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa ay aheyd 1988dii.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa u adeegsaday booqashada Ahmad inuu kaga codsado in Soomaaliya loo ogolaado mar kale inay martigeliso ciyaaraha caalamiga ee kubada cagta.

Ahmad oo jagada madaxweynaha CAF kaga badiyay hogaamiyihii mudada dheeraa Issa Hayatou ka dib doorashadii dhacay bishii la soo dhaafay ayaa labo maalmood booqasho ku joogay Soomaaliya Isniintii iyo Talaadadii, waxaana ay aheyd safarkiisii ugu horeysay ee rasmi ah ee uu ku baxo tan iyo markii uu noqday madaxweynaha CAF.

“In ciyaaro saaxiibtinimo lagu qabto Mogadishu waxa ay gacan ka geysan doontaa wax badan dhiirogelinta isboortiga iyo weliba inay Soomaaliya dib u hesho waayaheedii isboorti, waxaana weydiistay in Jabuuti iyo Soomaaliya ay bilaabaan inay ciyaaraan kulamo saaxiibtinimo.” ayuu yiri Ahmad.

Ahmad ayaa sidoo kale balanqaaday inuu u ololeyn doono sidii garoonka ugu weyn magaalada Muqdisho mar kale kubada cagta loogu ciyaari lahaa. Garoonka oo qaada 33 kun taageerayaal ah ayaa waxa uu haaan xarun u yahay ciidamada nabadsugida ee AMISOM.

Maamulada isboortiga ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayay inay garoonka dib u helaan.

“Waxaan la kulmay hogaamiyayaasha Soomaalida, waxaana isku raacnay in garoonka la soo wareerijo si isboortiga loogu ciyaaro halkaas mar kale” ayuu yiri Ahmad. “Waana sii wadi doonaa arintaan anigoo kala hadlaya maamulada ay quseyso.”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments