Soo Dhawaaw Jesus! Guardiola Iyo Xidigaha Reer Brazil Ee Manchester City Oo Casho Kusoo Dhaweeyay Gabriel Jesus

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 2, 2016

Saxiixa cusub ee Manchester City Gabriel Jesus ayaa markii ugu horeysay soo gaaray magaalada Manchester si uu jawiga England ula qabsado madama uu soo dhamaaday waqtigiisii kooxda Palmeiras ee dalka Brazil.

Jesus ayaa kasoo dagay Airport-ka Manchester Airport khamiistii, balse xalay waxey u aheyd habeen weyn madama uu casho la qaatay agaasimaha kubadda cagta kooxda Txiki Begiristain, Macalin Pep Guardiola iyo laba ka mid ah xidigaha reer Brazil ee kooxda Fernandinho Iyo Fernando.

Shaqsiyaadkaan ayaa ku kulmay Fazenda oo ah mid ka mid ah maqaayadaha ay ka cunteeyaan dadka reer Brazil kuwooda ugu heerka sareeya.

Manchester City new boy Gabriel Jesus touches down ahead of permanent switch from Brazil

Guardiola ayaa xidigaan u ogolaaday inuu soo dhameysto waqtigiisa kooxda Palmeiras madama ay la saxiixdeen bishii August ee kal h--e, balse ugu dambeyn haatan wuxuu soo gaaray Etihad Stadium.

19-jirkaan ayaa kooxdiisa ka saaciday iney ku guuleysato horyaalka heerka koowaad ee dalka Brazil, mar kale ayuuse filayaa inuu koobab kula guuleysto Citizens.

“Waan imaaday Magaaladeyda Manchester” ayuu bartiisa bulshada soo dhigay xidigaan markii uu kasoo dagay Aiport-ka Manchester.

Ugu dambeyntiina Gabriel Jesus ayaa ka qeyb gali doona tababarka ay maanta kooxdaan isugu diyaarineyso kulanka weyn ee ay Sabtida la ciyaareyso Chelsea.

Like it? Share it!

Leave A Response