Sir Alex Ferguson Oo Loogu Magacdaray Abaalmarinta La Siiyo Tababaraha Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedka Ee Ingariiska

by Saed Balaleti | Friday, May 19, 2017

Ururka League Managers Association (LMA) ayaa ku dhawaaqday in abaalmarintooda 50aad ee Tababaraha Sannadka in ku guuleystaha la siin doono koob loogu magacdaray Sir Alex Ferguson.

Macalinkii hore ee United Ferguson ayaa la texgeliyaa inuu ka mid yahay tababarayaasha ugu waa weyn ee soo maray taariikhda kubada cagta isagoo muddo 27 sanno sannadood tababare ka ahaa Old Trafford.

Ferguson ayaana ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay in abaalmarinta LMA loogu magacdarro isaga iyadoo abaalmarinta la siiyo tababaraha ugu fiicnaa xilli ciyaareedka ee kubada cagta Ingariiska.

Ku guuleystaha waxa uu ka imaan karaa Premier League, heerka labaad, kan seddexaad ama heerka afaraad, waxaana la bixin doona abaalmarinta xaflada cashada LMA ee lagu qabanayo magaalada London habeenka Isniinta.

Koobka abaalmarinta cusub ayaa waxaa nashqadeeyay qubaro aqoon u leh oo ka shaqeeya Thomas Lyte, waxaana ku qoran magacayada ragii hore ugu soo guuleystay.

Ferguson ayaa yiri: “Sharaf ayay ii tahay in abaalmarinta tababaraha sannadka ee LMA la iigu magacdarro. Waa sharaf fantastik ah.”

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments