Sidee Ayuu Jurgen Klopp U Hawlgali Doonaa Liverpool Kulanka Ay Anfield Kusoo Dhaweyn Doonaan Man United – Yaa Kusoo Bilaaban Kara?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Tababare Jurgen Klopp ayaa dhibaato yar ay lasoo daristay markii uu dhaawac soo gaaray Sadio Mane oo ka mid ah xidigaha ugu fiican kooxda xilli uu gudanayay waajibaadkiisa qaranka Senagal – ciyaar ay ka hor jeedeen wadanka Cape Verde.

Dhaawacaan ayaa imaanaya xilli ay sabtida Liverpool soo dhaweyneyso Manchester United kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waana ciyaarta ugu xiisaha iyo xamaasadda badan todobaadka 8-aad ee horyaalka.

Si kastaba Jurgen Klopp wuxuu heystaa fursad uu ku ciyaarsiiyo Philippe Coutinho kaas oo kasoo muuqday liiska musharaxiinta abaalmarinta Ballon d’Or oo ay soo saartay France Football Magazine.

Inkastoo aan la ogeyn sida uu u maareyn karo safkiisa daafaca madama uu heysto dhawr xidig oo kala duwan, hadana waxey u badan tahay inuu kusoo bilaabi doono Lovren iyo Matip daafaca dhexe, halka ay macquulka tahay inuu daafaca bidix kusoo bilaabo Alberto Moreno iyo wiilka da’da yar ee Arnold.

Maqnaashaha Sadio Mane wuxuu keeni karaa inuu Philippe Coutinho ka qeyb galo dhanka weerarka sidoo kalana ay fursad wada helaan Wijnaldum iyo Emre Can.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaan la fileynin inuu kasoo muuqdo safka hore, wuxuuna ku wareeray inuu boos ka helo kooxda Jurgen Klopp.