Sidee Ayey Jamaahiirta Barcelona U Sagootin Doonaan Andres Iniesta & Faah-Faahin Laga Helay Sida Loo Qurxin Doono Garoonka Camp Nou.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 17, 2018

Kabtanka Barcelona Andres Iniesta Lujan ayaa ciyaari doona Axadda kulankiisii ugu dambeeyay waayahiisa Barcelona, waana 90-ka daqiiqo ee ugu dambeysa uu kubadda ku dhex laadi doono Camp Nou isagoo xiran maaliyadda kooxda ugu guulaha badan gobolka Catalonia.

Barcelona ayaa soo banaan bixisay habka loo sagootin doono Andres Iniesta, gaar ahaan maharajaanka lagu soo bandhigi doono garoonka Camp Nou taasoo ah qaab la doonayo in lagu sharfo xiddiga waqtiga badan la joogay kooxdiisa.

Mahrajaan midabkiisu yahay (Jaale, Guduud iyo Buluug) ayaa guud ahaan Camp Nou lagu wareejin doonaa iyadoo dhexda looga xardhi doono “Infinit Iniesta”

Fariinta kor ku qoran waxaa la mataan ah lambarka (8-aad) taasoo marka la dhinac rogo noqoneysa astaanta xisaabeed ee (xisaabta loo yaqaano” Infinity”.

Kulanka Real Sociedad ee axadda dhici doona waa midka ugu dambeeya ee horyaalka La Liga, waxaana daba socon doonta dabaal dag la xiriira labadii koob ee ay kooxda qaaday dhawaan.

Sidoo kale jimcada waxaa la abaabuli doonaa dhacdo sagootin ah taasoo Iniesta uu ku gudbin doono dareenkiisa ugu dambeeya, waxaana la rajeynayaa in kulanka Axadda uu noqdo midkiisa ugu dambeeya sida la isla fahamsan yahay.

169 Shares

7 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. said 18-05-2018 at 12:18 am -

    waaa shaqsi nagu wayn hadaaan reer barce nahay
    groonka cam nou waa lagaaa tabi doonaaa

  2. Aba’alii JM 17-05-2018 at 6:57 pm -

    The legend of legends

  3. abdi 17-05-2018 at 3:27 pm -

    waa macalinka kubada cagta ee sanadihii lso dhaafey inyesta goodbye

  4. Liban suftu 17-05-2018 at 2:35 pm -

    Waxa lagu xasusanidoona shaqada bdn ee uu kasamey camp nou. Iyo dadaalki bdn ee sida S.Gerrad cml

  5. Aden bare 17-05-2018 at 1:00 pm -

    Ax ax ax wuxuu noqon doonaa .com
    Nin lagu xazuuzto kubada cagta
    Qiimaheeda iyo.qaaayeheeda
    L
    A
    A
    C
    I
    B

  6. ismaa ciil 17-05-2018 at 11:51 am -

    Waa loo darsandoona

    • bashiir 17-05-2018 at 2:13 pm -

      waa shaqsi kooxda tabi doonto wana kubbad sameeye heer calami lkin qalbiga auu barca kala jooga