Shirkada Reer Sweden Ee Sameysa Alaabta Guryaha IKEA Oo Ku Maadeysatay Italy Ka Dib Markii Ay Ka Hareen Koobka Adduunka

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 15, 2017

Italy ayaa ka maqnaan doonta Koobka Adduunka ee sannadka danbe ee 2018 lagu qabanayo dalka Ruushka ka dib markii ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Sweden labadii lug ee ay ciyaareen.

Lugtii hore ee martida loo ahaa Sweden waxaa 1-0 ku soo badisay xulka Sweden iyadoo Italy ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan lugtii labaad ee ka dhacday San Siro, waxaana ay markii ugu horeysay tan iyo 1958 ay ka maqnaanayaan Koobka Adduunka.

Xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa la filayaa inay maanta ceyriyaan tababare Gian Piero Ventura ka dib markii uu Azzurri u soo saari waayya Koobka Adduunka.

Shirkada reer Sweden ee sameysa alaabta guryaha ee IKEA ayaana Twitter ku soo bandhigtay xayaysiin cusub oo ay ku maadeysanayaan xulka qaranka Talyaaniga iyo tababare Ventura.

“Gian Pierro [Ventura] wuxuu inaga cafiyay inuu waayay kursigiisa, waxaan siin doonaa mid cusub” ayay u qorneyd xayaysiinta oo uu la socday sawirka kuraasta la dhigo xadiiqadaha oo ay ku iibinayaan 89.99 euro.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments