Sheeko Xiiso Leh: Carlos Tevez Oo Sideed Sano Kadib Xirtay Maaliyadda Manchester United – Yaase Ku Dhiirigaliyay?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Weeraryahanka kooxda Shanghai Shenhua Carlos Tevez ayaa iska iloobay cadaawadii uu u qabay Manchester United markii uu sideed sano kadib xirtay maaliyadooda balse Paul Pogba oo ay waqti kusoo wada qaateen Juventus ayaa ku dhiirigaliyay.

Paul Pogba ayaa safar ku jooga China isagoo xayeysiin u sameynaya shirkadda Adidas, balse wuxuu la kulmay Carlos Tevez oo ay muddo laba sanadood ah ku wada sugnaayeen magaalad Turin intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2015.

Paul waa ciyaariyahanka ugu qaalisan dunida madama uu August 2016 ku yimid Old Trafford aduun dhan 89 Malyan oo Pound, halka Tevez uu yahay ciyaariyahanka ugu mushaarka badan dunida madama uu todobaadkii qaato £615,000 kun oo Pound.

Labadaan ciyaartoy waxey kala badasheen labada maaliyadood Paul Pogba ayaa xirtay maaliyadda Tevez halka xidiga reer Argentina ee Tevez isna uu xirtay maaliaydda Paul Pogba.

Sidoo kale Paul Pogba wuxuu bartiisa Instagram-ka soo dhigay muuqaal yar oo uu inyar kula sheekeysanayo Tevez – kaftan ayuuna u badnaa.

“Walaal inaan ku arko wax weyn ayey ii aheyd” Ayuu kusoo qoray muuqaalka Paul Pogba, kaas oo farxad ka muujiyay inuu waqti la qaato saaxiibkiisii hore.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments