Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Tottenham vs Liverpool – Yaa Kusoo Bilowday Kulanka Ugu Adag Isbuuca 5-aad?

Kulanka ugu xiisaha badan horyaalka Premier League isbuuciisa 5-aad ayaa bilaaban doona goor dhaw iyadoo labada kooxood ay soo saareen shaxdooda.

Garoonka Wembley ayaa marti loo yahay iyadoo Spurs ay tahay kooxda uu minankeeda yahay, labada kooxood midna waxey raadineysaa iney kasoo kabato guuldaradii ugu dambeysay ee ay ka heshay Watford midna waxey dooneysaa iney ilaashato rikoorkeeda guuldaro la’aanta.

Jurgen Klopp waxba kama badalin shaxdii uu adeegsanayay mudooyinkii ugu dambeeyay, wuxuuna kusoo bilaabay Milner, Wijnaldum iyo Kieta khadka dhexe isagoo saddexda weerar ee Mane, Salah iyo Firmino kusoo wada bilaabay.

Dhanka Spurs waxaa ka maqan laba xiddig oo muhiim ah waana Dele Alli iyo sidoo kale Hugo Lloris kuwaas oo dhaawacyo kaga maqan kooxda, Harry Winks ayaa kusoo bilowday kulankaan kaas oo buuxin doona booska dhexe isagoo mataan la noqon doona Dembele iyo Dier.

Son ayaa dib ugu soo laabtay kooxda balse wuxuu fadhiyaa kursiga keydka iyadoo Moura oo hantay abaalmarinta xiddiga bisha ee August uu kulanka kusoo bilowday.

TOTTENHAM:

Vorm, Trippier, Alderweireld, Vertonghen, Rose, Dier, Dembele, Winks, Eriksen, Moura, Kane

KEYDKA:

Gazzaniga, Sanchez, Son, Lamela, Wanyama, Aurier, Davies

LIVERPOOL:

Alisson, Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson, Wijnaldum, Milner, Keita, Mane, Salah, Firmino

KEYDKA:

Mignolet, Fabinho, Henderson, Sturridge, Moreno, Shaqiri, Matip