Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Liverpool vs West Ham – Yaa Kusoo Bilowday Kulanka Weyn Ee Anfield Ka Dhici Doona?

Tababare Jurgen Klopp ayaa shax adag u adeegsaday kulanka ay la ciyaarayaan West Ham United, wuxuuna go’aansaday inuu kursiga keydka dhigo Fabinho oo kaga yimid Monaco iyo sidoo kale Xherdan Shaqiri oo kaga yimid kooxda Stoke City.

Kulankaan kaliya Allison Becker iyo Naby Keita ayaa kusoo bilowday kuwaas oo saxiixyo cusub ah, mana jiro xiddig kale oo cusub, Lovren maqnaashahiisa waxey keentay in Gomez lagu aamino daafaca dhexe isagoo la mataan ah Van Dijk.

Weerarka waxaa kusoo wada bilowday Mane, Salah Iyo Firmino, lama filaan ayey aheyd in Milner iyo Wijnaldum lagu arko shaxda kooxda.

Dhanka kale tababare Manuel Pellegrini ayaa kusoo bilowday shax aad u adag, waxaana saxiixyo cusub ah Felipe Anderson iyo Jack Wilshere.

LIVERPOOL:

Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Gomez, Robertson, Keita, Milner, Wijnaldum, Mane, Salah, Firmino

KEYDKA:

Karius, Clyne, Fabinho, Henderson, Sturridge, Lallana, Shaqiri

WEST HAM:

Fabianski, Fredericks, Balbuena, Rice, Ogbonna, Masuaku, Noble, Wilshere, Anderson, Arnautovic, Antonio

KEYDKA:

Adrian, Zabaleta, Snodgrass, Obiang, Hernandez, Yarmolenko, Diop