Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs AC Milan Ee Kulanka Trofeo Santiago Bernabéu-Ayaa Labada Kooxood Ugu Soo Bilawday?

Kooxda Real Madrid ayaa xili ciyaareed kasta bilawgiisa ciyaarta koobka saaxiibtinimo ee Trofeo Santiago Bernabéu kaas oo lagu xuso madaxwaynihii waqtiga dheer kooxdeeda soo maamulay ee Santiago Bernabeu waxayna Los Blancos ku dhawaaqday kooxda ay sanadkan ku marti qaaday garoonkeeda Bernabeu ee kala qayb galaysa Trofeo Santiago Bernabéu.

Laga soo bilaabo sanadkii 1979 kii ilaa 1984 waxaa koobka saaxiibtinimo ee Trofeo Santiago Bernabéu ku tartami jiray afar kooxood, waxayna ku tartami jireen semi-finalka iyo kaalinta saddexaad si la mid ah finalka koobkan laakiin tan iyo sanadkii 1985 kii waxaa loo badalay mid laba kooxood u dhexeeya.

Real Madrid ayaa sanadkasta xili ciyaareedka bilawgiisa soo casuunta kooxda ay doonayso in ay koobkan kula tartanto laakiin markale sanadkii 2002 waxay Madrid ka dhigtay afar kooxood  markaas oo ku beegnayd sanad guuradii qarniga ee aas aaskii Real Madrid oo ku beegnayd March 6,1902.

Markii ugu horaysay ee ay Real Madrid qabtay koobka xuska halyaygeedii hore ee Santiago Bernabeu waxay ahayd sanadkii 1979 kii waxaana finalkii iskugu soo baxay kooxaha Bayern Munich iyo Ajax markaas oo ay Bayern guul 2-0 ah koobkan ku qaaday.

Haddaba Real Madrid ayaa caawa Bernabeu kula ciyaaraysa kooxda AC Milan iyada oo Julen Lopetegu uu markii ugu horaysay ka soo muuqanayo Santiago Bernabeu wuxuuna ku soo shirtagay shax xoogan inkasta oo goolhaye Coutois aanu kulankiisii ugu horeeyay ku soo bilaaban shaxda Madrid.

REAL MADRID: Keylor Navas, Sergio Ramos, Raphael Varane, Dani Carvajal, Marcelo, Casemiro,Kroos, Isco, Asensio, Gareth Bale, Karim Benzema

Kaydka:  Casilla, Lunin, Nacho, Modric, Lucas Vazquez, M Llorente, Mayoral, Ceballos, Raul de Tomas, Vinicius Jr, Reguilon, S Lopez, Javi Sanchez, Odegaard, Valverde

AC MILAN: G Donnarumma; Calabria, Musacchio, Romagnoli, Rodriguez; Kessie, Biglia, Bonaventura; Suso, Higuain, Borini

Kaydka: A Donnarumma, Plizzari, Bellanova, Caldara, Simic, Brescianini, Calhanoglu, Halilovic, Mauri, Torrasi, Bacca, Cutrone