Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United Vs Anderlecht -Ibrahimovic Oo Shaxda Red Devils Ku Soo Laabtay Iyo Rooney Oo Kaydka Ku Jira.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawaynaysa kooxda ree Belgium ee Anderlecht oo ay kulankii lugtii hore ee siddeed dhamaadka Europa Leaque-ga ay la soo gashay barbaro 1:1 ah. Man United ayaa u muuqatay in ay guul ku soo gaadhaysay goolkii uu Henrikh Mkhitaryan uu dhaliyay laakiin Leander Dendoncker ayaa kooxdiisa Anderlecht ka badbaadiyay guuldaro xili ay ciyaartu dhamaad ahayd.

Laakiin Manchester United ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo kalsooni buuxda qabta isla markaana 2:0 ku garaacday Chelsea. Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils ayaa doonaya in ay caawa u soo baxaan afar dhamaadka Europa Leaque-ga waxayna haddaba fursad ku haystaan goolkii martida ay ku soo dhaliyeen.

Mourinho ayaa goolkiisa ku soo bilaabay Romero waxaana afarta difaaca ah ku wada jira alencia, Bailly, Rojo iyo Shaw waxaana khadka dhexe ku soo wada bilawday Carrick, Pogba iyo Mkhitaryan. Ibrahimovic ayaa safka weerarka hogaaminaya waxanaa caawin doona Rashfrod iyo Lingard.Ander Herrera, Wayne Rooney iyo Martial ayaa ka mid ah xidigaha kaydka ku jira .

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

MAN UNITED:  Romero, Valencia, Bailly, Rojo, Shaw, Carrick, Pogba, Mkhitaryan, Rashford, Lingard, Ibrahimovic.

KAYDKA: De Gea, Blind, Fellaini, Ander Herrera, Young, Martial, Rooney.

KAYDKA ANDERLECHT: Boeckx, Deschacht, Bruno, Nuytinck, Capel, Kiese Thelin & Stanciu

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments