Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Xiisaha Badan Ee Barcelona Vs Man City, MSN Oo Dib U Midoobay Iyo Aguero Oo Kursiga Kaydka Ku Jira

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Kooxda Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda uu tababarahoodii h--e wato ee Manchester City. Guardiola ayaa dib ugu soo laabtay Camp Nou oo uu koob kasta kula soo guulaystay markii uu kooxda Barca maamulayay. Barcelona oo soo wada guulaysatay labadii kulan ee ay ilaa hadda soo ciyaartay ayaa kulan adag ka hor imanaysa Sky Blues.

barca-city

Manchester City ayaa kulankii h--e barbaro 3:3 ah kala soo kulantay kooxda Celtic halka ay kulankii h--e guul ka gaadhay kooxda Glabach. Kulankan ayaa aad muhiim ugu ah Manchester City basle waxay u baahan yihiin in ay heerka ugu fiican ku jiraan si ay natiijo fiican uga helaan kulanka Barcelona.

Ter Stegen ayaa sidii caadada ahayd goolka Barcelona ku soo bilawday waxaana difaaca ka wada ciyaari doona Mascherano, Pique, Umtiti, Jordi Alba iyada oo Umtiti iyo Alba ay dib ugu soo laabteen shaxda Luis Enrique waxana khadka dhexe qaybsan doona  Sergio Busquets, Rakitic, Iniest halka MSN ay safka weerarka dib ugu soo wada laabteen.

Bravo ayaa ka hor imanaya kooxdiisii h--e ee Barcelona wuxuuna ku soo bilawday shaxda Guardiola iyada oo safka difaaca ay ka wada ciyaari doonaan Zabaleta, Otamendi, Stones, Kolarov, waxaana dhexda danbe ka wada ciyaari doona  Fernandinho iyo Gundogan waxaana dhexda h--e ka ciyaari doona Sterling iyo Nolito waxaana safka weerar hogaaminaya  De Bruyne. Sergio Aguero ayaa kursiga kaydka fadhiya.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

BARCELONA: Ter Stegen, Mascherano, Pique, Umtiti, Jordi Alba, Sergio Busquets, Rakitic, Iniesta, Neymar, Messi, Suarez.

KAYDKA: 25. Masip 7. Arda 12. Rafinha 17. Alcácer 19. Digne 21. André Gomes 24. Mathieu

MAN CITY:Bravo, Zabaleta, Otamendi, Stones, Kolarov, Fernandinho, Gundogan, Silva, Sterling, Nolito, De Bruyne.

KAYDKA:Caballero, Fernando, Aguero, Maffeo, Clichy, Sane, Navas

 

Like it? Share it!

3 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Siciid.cabdi.guuleed.qayre 19-10-2016 at 9:30 pm - Reply

    Barcelona.ayaa.caawa.hadii.ilaahay.yidhaa.soodhaweynasa.man,city oo.kusoodhaweyndoonta garoonkeeda.CaMP,Nou markaa M.S.N caawa.wacdaro.kudhigeysa.oo godmadow.biyo.uugushubaysa pepguardiola & koodiisa City markaa Barcelona 5 man,city 0 waala.arki.waxa.kudhaca messi.namarka.ay arkaana wey iswada.dhiibaan markaa.pepguardiola habeenmadoow.ayey.unoqondootaa

  2. farhan 19-10-2016 at 9:25 pm - Reply

    Waaaar aguero maxa ku dhacay deee agaaa

  3. been masheege 19-10-2016 at 9:22 pm - Reply

    Iisha alaah waxaan urajaynayaa kooxda city guul aan larumaysan karin

Leave A Response