Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Watford v Manchester United – Jose Mourinho Oo Shax Xoogan Kusoo Galay Kulan Muhiimad Weyn U Leh.

Manchester United ayaa marti u ah kooxda layaabka la soo baxday xili ciyaareedkan ee Watford wuxuuna Mouirnho ka hor iman doonaa kooxda aan ilaa hadda wax guuldaro ah ku dhadhamin Premier league isla markaana soo wada guulaysatay afartii kulan ee ugu horeeyay xili ciyaareedkan.

Manchester United oo soo guuldaraysatay laba kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ugu horeeyay Premier league ayaa dhibaato kale la kulmi doonta haddii ay soo guulaysan waydo kulanka Watford iyada oo waliba haddii ay guuldaro soo gaadhay Red Devils uu mugdi wayni sii gali doono mustaqbalka Mourinho.

Jose Mourinho oo ka warqaba muhiimada uu kulankani u leeyahay iyo awooda ay leedahay kooxda uu martida u yahay ayaa markale khadkiisa dhexe kusoo bilaabay Maroaune Fellaini isaga oo markale keydka galiyay xiddiga ku cusub kooxdiisa ee Fred.

Watford: Foster, Janmaat, Catchart, Holebas, Kabasele, Doucoure, Hughes, Capou, Pereyra, Deeney, Gray

Kaydka: Gomes, Mriappa, Masina, Femenia, Sema, Chalobah, Success

Manchester United: De Gea, Lindelof, Smalling, Young, Valencia, Pogba, Fellaini, Matic, Sanchez, Lukaku, Lingard.

Keydka: Grant, Bailly, Darmian, Mata, Fred, McTominay, Martial