Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Copa del Ee ReyReal Madrid Vs Cultural Leonesa Iyo Zidane Oo Fursad Siiyay Ciyaartoyda Da’yarta Ah Ee Kooxdiisa

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawanaysa kooxda Cultural ee kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey wareegiisa 32 ka kooxood. Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo kulankii lugtii h--e 7:1 kooxdan ku soo xasuuqday wuxuuna Zinedine Zidane kulankan nasiyay ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa.

Goolhaye Casilla ayaa kulankan fursad loo siiyay in uu goolka ku soo bilawdo waxaana difaaca ku wada jira  Carvajal, Pepe, Nacho iyo da’yarka Tejero halka Casemiro uu shaxda Real Madrid ku soo bilawday markii ugu horaysay tan iyo markii uu dhaawacu ku soo gaadhay kulankii Espanyol. Waxaana sidoo kale kulankan ku soo bilawday labada da’yar ee Martin Odegaard iyo Mariano Diaz.

SHAXDA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

REAL MADRID: Casilla; Carvajal, Pepe, Nacho, Tejero; James, Casemiro, Isco; Asensio, Odegaard; Mariano.

Cultural Leonesa:  Leandro, Garrido, Morgado, Díaz, Bastos, Ortí, Yeray, Cristóbal, Alex, Villa, Benja.

Like it? Share it!

Leave A Response