Shaxda Rasmiga Ah Ee FC Basel Vs Man City, Sergio Aguero Iyo Sterling Oo Safka Weerarka Hogaaminaya.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Feb 13, 2018

Manchester City ayaa marti u ah kooxda ree Switzerland ee FC Basel iyada oo kooxda Guardiola doonaysa in ay halkeeda ka sii wadato afarta koob ee ay xili ciyaareedkan u sharaxantahay in ay ku wada guulaysato. Man City ayaa ah kooxda kaliya ee ree England ah ee wali baaqi ku sii ah afarta koob ee ay bilawgii xili ciyaareedkan ku jirtay.

Tababare Guardiola ayaa goolkiisa sidii looga bartay ku soo bilaabay Ederson waxaana difaaca kuwada jira Kyle Walker, Vincente Kompany, Nicolas Otamendi iyo Fabian Delph.

Fernandinho ayaa dhexda danbe ee burburiyaha ka sii ciyaari doona halka Ilkay Gundogan iyo Kevin De Bruyne ay khadka dhexe ka wada ciyaari doonaan. Sergio Aguero ayaa safka weerarka hogaaminaya waxaana caawin doona Bernardo Silva iyo Raheem Sterling.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD;

Kaydka: Ederson, Walker, Kompany (C), Otamendi, Delph, Fernandinho, Gündogan, De Bruyne, Sterling, Bernardo, Agüero

Kaydka: Bravo, Danilo, Stones, Laporte, Sané, Silva, Foden

Basel: Vaclik, Lacroix, Xhaka, Suchy, Lang, Frei, Serey Die, Riveros, Elyounoussi, Stocker, Oberlin.

Kaydka: Salvi, Petretta, Zuffi, Van Wolfswinkel, Ajeti, Manzambi, Bua.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. moha 13-02-2018 at 10:46 pm -

    caawa wa LA kufsanayaa dariska qaylada badan