Shaxda Rasmiga Ah Ee Chile Vs Cameroon Iyo Alexis Sanchez Oo Aan Ku Soo Bilaaban Shaxda Xulka Qarankiisa Ee Kulankan.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jun 18, 2017

Xulalka qaramada Chile iyo Cameroon ayaa iskaga hor imanaya kulanka ugu horeeya Group B ee tartanka FIFA Confederations Cupka waxayna groupkan ku wada jiraan Germany iyo Australia oo iyaguna wada ciyaari doona.

Laakiin warka ugu wayn ayaa ah in Alexis Sanchez aanu shaxda xulka qarankiisa Chile ku soo bilaaban isaga oo kursiga kaydka ku jira waxaana safka weerarka Chile hogaaminaya  Edu Vargas,  Edson Puch iyo  Jose Pedro Fuenzalida.

Dhinaca xulka qaranka qaarada Afrika matalaya ee Cemeroon waxaa safka weerarka hogaaminaya xidigihii koobkii qarmada Afrika wacdaraha ka soo dhigay ee Aboubakar iyo Bassogog. Kulankan ayaa Chile iyo Cameroon aad muhiim ugu ah iyaga oo maanka ku haya sida uu Germany u yahay mid kulankiisa ayna ku xisaabtami karin.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA XUL QARAN:

CEMEROON: Ondoa; Fai, Teikeu, Ngadjui, Mabouka; Djoum, Anguissa, Siani; Moukandjo, Aboubakar, Bassogog.

CHILE: Herrera; Beausejour, Jara, Medel, Isla; Aranguiz, Diaz, Vidal; Puch, Vargas, Fuenzalida.