Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Sevilla Iyo Valverde Oo Qaarka Mid Ah Saxiixyada Cusub Shaxdiisa Ku Soo Bilaabay.

Markii ugu horaysay taariikhda waxaa tartanka koobka Spanish Super Cupka laga dhigay mid hal kulan final ku kooban waxaana meesha laga saaray labadii kulan ee martida iyo minanka ahaa waxaana loo badalay hal kulan final oo lagu ciyaari doono garoon dhex dhexaad ah iyada oo markii taariikhda ugu horaysay finalka koobka lagu ciyaari doono meel ka baxsan dalka Spain.

Xili ciyaareed kasta waxaa dalka Spain lagu furaa kulanka Spanish Super Cupka kaas oo ay wada ciyaaraan labada kooxood ee ku soo kala guulaysta koobabka La Liga iyo Copa Del Rey laakiin iyada oo Barca labada kooba ku soo guulaystay waxaa finalka Spanish Super Cupka la ciyaari doota kooxdii ay ka qaaday Copa Del Rey dhamaadkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay.

Valverde ayaa shaxdiisa ku soo wada bilaabay saxiixyada cusub ee Athur Melo iyo Lenglet waxaana sidoo kale kulankan ku soo bilawday xidigaha muhiimka ah ee Lionel Messi, Luis Suarez, Sergio Busquets halka Ter Stegen uu goolka ku soo bilawday.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

SEVILLA:

BARCELONA: Ter Stegen, Gerard Pique, Clement, Jordi Alba, Nelson Semedo, Sergio Busquets, Athur Melo, Rafinha, Ousmane Dembele, Lionel Messi, Luis Suarez

Kaydka: Cillessen, I. Rakitic, Coutinho, Munir, Vidal, Umtiti and Miranda