Shaxda Rasmiga Ah Ee Athletic Bilbao Vs Real Madrid-Ayuu Lopetegui Shaxdiisa Kulankan Ku Soo Bilaabay?

Real Madrid ayaa kooxda Athletic Bilbao marti ugu ah garoonka San Mames oo ay xil ciyaareedkii hore Los Blancos barbaro gool la’aan ah ku soo gashay wuxuuna Lopetegui doonayaa in kooxdiisu ay cadaadiska ku sii hayso Barcelona oo guul soo laabasho ah ka soo gaadhay kooxda Real Sociedad.

Julen Lopetegui ayaa goolkiisa ku soo bilaabay Courtois waxaana sidii looga bartay difaaca kuwada jira Dani Carvajal, Marcelo, Sergio Ramos iyo Varan.

Toni kRoos, Luka Modric iyo Dani Ceballos ayaa khadka dhexe ku soo wada bilawday iyada oo markale uu Lopetegui weerarka kooxdiisa ku soo wada bilaabay Gareth Bale, Marco Asensio iyo Karm Benzema.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

Athletic Club XI: Unai Simón, I.Martínez, Yeray, Beñat, Williams, Muniain, Yuri B., Susaeta, Dani García, De Marcos, Raúl García

Real Madrid XI: Courtois, Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo, Kroos, Modric, Ceballos, Bale, Asensio, Benzema