Shaxda Rasmiga Ah Ee AS Monaco Vs Borussia Dortmund- Marco Reus Oo Shaxda Dortmund Ku Soo Laabtay Iyo Mbappe & Falcao Oo Hogaaminaya Monaco.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Kooxda AS Monaco ayaa soo dhawaynaysa Borussia Dortmund ee kulanka lugta labaad ee siddeed dhamadka Champions Leaque-ga. Kooxda ree France ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo faa’iido u haysta guushii 3:2 ahayd ee ay Dortmund kaga soo gaadhay garoonkeeda Signal iduna Park.

Laakiin Dortmund oo kulankaas ku jirtay xaalad aad u xun kadib markii buska kooxdeeda la qarxiyay ayaa doonaysa in ay kulankan ku samayso soo laabasho ay ugu soo bixi karto afar dhamaadka Champions Leaque-ga. Monaco ayaan xili ciyaareedkan wax guuldaro ah ku arkin garoonkeeda.

Da’yarka Mbappe oo kulankii lugtii hore laba goolka soo dhaliyay Dortmund ayaa safaka weerarka kula soo bilawday Radamel Facao oo xili ciyaareedkan ka mid ah sababaha ugu waa wayn ee ay Monaco halista wayn ugu soo abuurtay kooxihii ay la soo ciyaartay.

Dhinaca Dortmund waxaa u soo laabtay Marco Reus kaas oo kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka Germany kooxdiisa qayb ahaa waxaana safka weerarka hogaaminaya Guerreiro iyo Aubameyang.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

MONACO: Subašić; Touré, Glik, Jemerson, Mendy; Moutinho, Bakayoko; Silva, Lemar; Falcao, Mbappé

DORTMUND: Bürki; Piszczek, Ginter, Sokratis, Durm; Weigl, Şahin; Reus, Kagawa, Guerreiro; Aubameyang

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments