Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Barcelona Ku Wajihi Doonto PSV Oo La Saadaaliyay, Tababare Valverde Oo Champions League Uga Faa’ideysan Doona Khibrada Arturo Vidal Xilli Ousmane Dembele Keydka Loo Dhaadhicin Doono.

Waxa saadaal laga bixiyay shaxda kulanka ay kooxda Barcelona toddobaadkan ay la ciyaari doonto dhigeeda PSV, Toddobaadkan oo ah midkii ugu horreeyay ee UEFA Champions League ayaa la filayaa in tababare Ernesto Valverde uu isbedelo dhawr ah ku sameeyo shaxdiisii kulankii Real Sociedad.

Tababare Valverde iyo jamaahiirta kooxda ayaan u muuqan kuwo u riyaaqsanaa bandhigii kooxda ee kulankii Sociedad waxaana la filayaa inuu tababaruhu waxkasta u samayn doono sidii uu qaab ciyaareedkaas liita uga bedeli lahaa kooxdiisa kulanka UCL ee toddobaadkan.

 

Philippe Coutinho oo kulankii shalay la nasiyay ayaa la filayaa inuu kulankan kusoo bilawdo, Xiddigan ree Brazil ayay u badan tahay inuu saddexleyda weerar kula midoobo Lionel Messi iyo Luis Suarez isagoo sidoo kale samayn doona doorkiisa khadka dhexe.

Si lamid ah, Arturo Vidal oo ilaa haatan kursiga keydka saaxiib u ah ayaa la filayaa inuu kulankan kusoo bilawdo iyadoo tababare Valverde uu khibrada xiddigan uga faa’ideysan doono kulamada sidan u muhiimka ah ee Champions League.

Xiddiga ree Chile ayaa khadka dhexe kula midoobi doona Sergio Busquets iyo Ivan Rakitic taas oo muujinaysa sida uu tababarihii hore ee Valverde u danaynayo inuu si buuxda gacanta ugu dhigo khadka dhexe.

Rafinha iyo Ousmane Dembele ayaa la rajaynayaa in laga saaro shaxda Blaugrana iyadoo Sergio Roberto uu u laaban doono daafaca midig oo uu kulankii Anoeta kusoo bilawday Nelson Semedo.

Jordi Alba ayaa sii haysan doona booskiisa daafaca bidix halka ay daafaca dhexe ku midaysnaan doonaan Gerard Pique iyo Samuel Umtiti waxaana shabaqa masuul ka noqon doona Andre Ter Stegen.