DEG-DEG: Shaxda Kooxda Sanadka Horyaalka Premier League-ga Oo Ay Bixiyaan Ururka Xirfadlayaasha Kubadda Cagta Oo Lasoo Saaray.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Shaxda kooxda ugu fiican horyaalka Premier League-ga sanadkaan ayaa lasoo saaray iyadoo labada kooxood ee ugu sareeya horyaalka ay ku leeyahiin ciyaartoyda ugu badan min (4) waana codeynta ay sameeyaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta.

Xidigaha Blues N’Golo Kante Iyo Eden Hazard kuwaas oo ka mid ah lixda xidig ee u tartamaya abaalmarinta xidiga sanadka ee ay bixiyaan Ururka ayaa ku jira, waxaana ku wehliya Gary Cahill iyo David Luiz.

Dhanka kale Spurs labada xidig ee ugu muhiimsan Dele Alli iyo Harry Kane kuwaas oo ku kala jira ciyaartoyda loo magacaabay abaalmarinta xidiga sanadka iyo da’yarka sanadka ayaa ku jira kuwaas oo ka tirsan Spurs, waxaana ku wehliya labada daafac ee Kyle Walker iyo Danny Rose.

Marka laga tago labada kooxood ee London ka wada dhisan sadexda ciyaartoy ee dhameystiray shaxda waxey kala yahiin goolhayaha Manchester United David De Gea kaas oo garaacay Lloris iyo Courtois, Sadio Mane ayaa sidoo kale kasoo muuqday halka Lukaku uu yahay weerarka lamaanta la ah Kane.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhaye: David de Gea (Manchester United)

Daafac: Kyle Walker (Tottenham)

Daafac: David Luiz (Chelsea)

Daafac: Gary Cahill (Chelsea)

Daafac: Danny Rose (Tottenham)

Khadka Dhexe: Dele Alli (Tottenham)

Khadka Dhexe: Eden Hazard (Chelsea)

Khadka Dhexe: N’Golo Kante (Chelsea)

Khadka Dhexe: Sadio Mane (Liverpool)

Weerar: Harry Kane (Tottenham)

Weerar: Romelu Lukaku (Everton)

Abaalmarintaan Waxaa Bixiya Ururka Xirfadlayaasha Kubadda Cagta Ee Ay Ku Mideysan Yahiin Ciyaartoyda Ka Ciyaarta England & Wales.

Makula Tahay in la doortay shaxdii ugu fiicneed? Fikirkaaga Qeybta Hoose Kusoo Gudbi.