Shaxaha Rasmiga Ah Ee Real Madrid v Legia Warsaw, Sporting Vs Dortmund Iyo BBC Oo Safka Weerarka Madrid Hogaaminaya

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Oct 18, 2016

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawanaysa kooxda Legia Warsaw ee kulanka saddexaad ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga. Real Madrid ayaa kulankii ugu horeeyay Bernabue guul xili danbe ahayd kaga gaadhay kooxda Sporting Lisbon halka kulankii labaad ay barbaro 1:1 ah la soo gashay kooxda Borussia Dortmund.

Kooxda Real Madrid ayaa wadada guusha ku soo laabatay isbuucaan ka dib afar kulan oo isku xigta oo ay barbaro galeen tartamada oo dhan iyagoo 6-1 ku xasuuqay kooxda Real Betis horyaalka La Liga, tababare Zidane ayaase ka digay inay ciyaartoydiisa guushaas israaciyaan.2399132_biglandscape

Tababare Zidane ayaa goolkiisa u soo doortay goolhaye Keylor Navas waxaana afarta difaaca ah ka wada ciyaari doona Danilo, Pepe, Varane iyo Marcelo halka ay khadka dhexe wadaagi doonaan James, Kroos, Asensio  iyada oo safka weerarka ay ku soo wada bilawdeen Ronaldo, Benzema iyo Bale.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD

Real Madrid: Navas, Danilo, Pepe, Varane, Marcelo, James, Kroos, Asensio, Bale, Benzema, Ronaldo.

Legia Warsaw: Malarz, Bereszýnski, Bzezniczak, Czerwinski, Hlousek, Moulin, Odjidja, Jodlowiec, Radovic, Kucharczyk, Guilherme.

Kulanka kale ee isla groupkan waxa uu kulan adagi dhex mari doonaa kooxaha Borussia Dortmund iyo Sporting Lisbon oo doonaya in ay u dagaalamaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga.

SHAXDA RASMGIA AH EE Sporting Vs Dortmund:

Sporting: Rui Patrício, Coates, Zeegelaar, Semedo, Ruiz, Schelotto, Elias, William, Martins, Dost, Marković.

Dortmund: Bürki, Ginter, Sokratis, Bartra, Passlack, Weigl, Dembélé, Götze, Kagawa, Pulisic, Aubameyang.

 

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. bile 18-10-2016 at 9:22 pm - Reply

    real madrid guul ban u rajaynaya hala madrid

Leave A Response