Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Manchester City v Fulham, Chelsea v Cardiff, Newcastle United v Arsenal & Xiddigaha Ay Kusoo Shirtageen Kooxaha Waaweyni.

Saddex kamid ah kooxaha ugu waaweyn Premier League ee la filayo inay loolanka xoogan u gali doonaan ugu yaraan afarta kaalmood ee sarre ayaa maanta hal wakhti wada bilaaban doona kulamadooda toddobaadka 5-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Arsenal oo xaalado kala duwan ku sugan ayaa la kala ciyaari doona Fulham, Cardiff City iyo Newcastle United sida ay u kala horeeyaan, Gunners ayaa marti ku ah St James Park halka Citizens iyo Blues ay marti yihiin.

 

Manchester City Vs Fulham

Manchester City ayaa Etihad Staadium ku soo dhawaynaysa kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Fulham oo lix gool soo dhalisay labadii kulan ee ugu danbeeyay wuxuuna tababaraha Fulham ee Slavisa Jokanovic ku faraxsan yahay in kooxdiisu ay wajahayso kooxda koobka Premier league haysata.

Manchester City: Ederson, Walker, Laporte, Delph, Otamendi, Bernardo, Fernandinho, Silva, Sane, Aguero, Sterling

Fulham: Bettineli, Sessegnon, Odoi, Christie, Mawson, Mc Donald, Johansen, Seri, Schurrle, Mitrovic, Vietto

 Chelsea Vs Cardiff City

Chelsea oo soo wada guulaysatay afartii kulan ee Premier league ugu horeeyay ayaa Stamford Bridge ku soo dhawaynaysa kooxda Cardiff City oo kulankii ugu danbeeyay guuldaro darqi ah kala kulantay Arsenal isla markaana si xoogan u dagaalantay.

Chelsea: Kepa, Rudiger, Alonso, Azpilicueta, Luiz, Jorginho, Kante, Kovacic, Hazard, Pedro, Giroud

Cardiff City: Etheridge, Bennet, Morrison, Manga, Bamba, Arter, Ralls, Camarasa, Hoilett, Ward, Reid

Newcastle United vs Arsenal:

Arsenal ayaa isha ku haysa in ay soo gaadho guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah ee Premier league kadib markii ay laba guuldaro oo xidhiidh ah ku furteen tartanka Premier league laakiin kooxda martida loo yahay ee Newcastle United ayaan wali wax guul ah ka gaadhin Premier league xili ciyaareedkan.

Newcastle United: Dubravaka, Dummett, Lascelles, Fernandez, Yedlin, Murphy, Diame, Ritche, Hayden, Perez, Joselu

Arsenal: Cech, Bellerin, Sokratis, Monreal, Mustafi, Ramsey, Ozil, Guendouzi, Xhaka, Aubameyang, Lacazette

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.