Sharciga FIFA Oo Ogolaanaya Iney Ciyaartoyda Real Madrid Ganaax Ku Seegi Karaan Hadii Ay Casaan Qaataan Final-ka Club World Cup.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Dec 11, 2017

Ka hor ka qeyb qaadashada Real Madrid ee koobka kooxaha Aduunka waxaa soo baxaya warar sheegaya in xidigaha Los Blancos ay u baahan yahiin iney iska ilaaliyaan kaar cas hadii ay tiigsadaan final-ka tartanka madama uu jiro xeer xaqiijinaya in kulankooda xiga uu saameynayo waana kulanka El-Clasico.

Marka la eego xeerka anshaxa ee FIFA wuxuu ogolaanayaa in xidig walba oo casaan qaata kama dambeysta tartanka uu seegi doono kulanka xiga ee rasmi ah kooxdiisa, waxeyna ka dhigan tahay in wiilasha Zinedine Zidane ay u baahan yahiin taxadar gooni ah.

Real Madrid waxey 13-ka December la ciyaari doontaa kooxda Al-Jaziira ee ka dhisan Imaaraadka Carabta, waxeyna midkood final-ka la ciyaari doonaan hadii ay soo gudbaan kooxaha Gremio iyo Pachuca midkii soo gudba kuwaas oo berito wada balansan.

Gary Cahill ayey sidaan oo kale ku dhacday sanadkii 2012, markii laga saaray final-kii ay la ciyaareen kooxda reer Brazil ee Corinthians, wuxuuna ku qasbanaaday inuu seego kulankii xiga ee kooxdiisa wuxuuna ahaa kulan ka tirsan League Cup oo ay la yeesheen Leeds United.

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. SHAANI 12-12-2017 at 5:03 pm -

    Run ahaan tii waxaan la jeclay guul darro xun real

  2. maahir 12-12-2017 at 2:13 pm -

    Run ahaantii real waa koox boqortoyo waxay nasiib uledahy inalaga badiyo

  3. maahir 12-12-2017 at 2:10 pm -

    Run ahaantii real waa koox jilicsan waxay nasiib uledahy inlaga badiyo

  4. moha ahmed 12-12-2017 at 8:50 am -

    run ahaan tii real waaa koox boqortooyo waxayna nasiib uleedahay inay badiso