Shan Ka Mid Ah Xidigahii Juve Ee kala Dira Barca Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican Wareega Quarter Finalka Champions League

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Barcelona iyo Bayern Munich ayaan hal ciyaariyahan ku yeelan kuwaas oo laga reebay guud ahaan tartanka Champions League markii ay ku beegmeen Juventus iyo Real Madrid oo ka mid ah haatan afarta kooxood ee semi finalka si awood leh kusoo gaaray.

Juventus ayaa shan ciyaariyahan ku yeelatay shaxda kooxda ugu fiican wareega quarter finalka Champions League, waxaana doortay shabakadda caalamiga ah ee Goal.

Shaxdaan waxaa lagu saleeyay nidaamka 3-1-3-2 – iyadoo wiilasha Allegri ay ku yeesheen shan xidig Leanardo Bonucci, Buffon, Pjanic, Chiellini iyo Dybala – kuwaas oo ku guuleystay iney tartanka ka reebaan Barcelona sidoo kalana shabaqooda ka ilaashadaan 180-daqiiqo oo waqtiga caadiga ah.

Sidoo kale wiilasha labada ah ee Real Madrid Marcelo iyo Cristiano Ronaldo ayaa kasoo muuqday kuwaas oo si fiican uga dhex muuqday xasuuqii ay Los Blancos u geysatay kooxda FC Hollywood ee ka dhisan Munich.

Mbappe iyo Lemar ayaa laga soo xushay As Monaco, halka Atletico Madrid laga soo qaatay Saul Niguez, kaliya halka xidig ee tartanka isaga haray balse awoodiisa dhan walba ku muujiyay uu yahay Dembele oo ah da’yarka reer France ee ka tirsan Borrusia Dortmund.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments