Shabakadda Marca Oo Laba Arrimood Kaliya Real Madrid Ugu Aqoonsatay Kooxda Qarniga 21-aad Ugu Fiican Horyaalka La Liga.

Isbuucii labaad ee bishii December sanadkii 2000, hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta FIFA ayaa Real Madrid gudoonsiisay koob ka dhignaa iney aheyd kooxdii ugu fiicneed qarnigii 20-aad. Kaliya maahan in Los Blancos ay aheyd 100-kii sano ee ka horreysay, balse qarnigaan 21-aad waxey muujineysaa iney tahay kooxda ugu fiican La Liga marka laga hadlo rikoorada iyo xogaha laga diiwaangaliyay kulamadeeda.

Xaqiiqda waxey tahay aan ku saleyno hanaanka dhibcaha lagu helo ee horyaalka, waana meesha ugu fiican ee lagu ogaan karo iney u qalanto kooxda ugu fiican ee La Liga, tan iyo xilli ciyaareedkii 2000/01 kooxdaan ka dhisan caasimadda waa kooxda heshay dhibcaha ugu badan waxey isku dar aruursadeen 1,501 dhibcood, taasoo laba dhibcood ka badan kooxda kusoo xigta ee Barcelona.

Arrinka kale ee xiisaha leh wuxuu yahay in guushii ay ka gaareen kulankii ugu dambeeyay La Liga ee ay la yeesheen Leganes ay ka ku heshay darajo fiican oo ah iney noqotay kooxdii ugu horreysay ee gaartay 1,500 dhibcood, halka kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ay heerkaan gaari doonto hadii ay ka badiyaan maanta kooxda Real Sociedad, kuna darso in dhanka dhibcaha ay sii ilaashan karto Real Madrid hadii ay guul ka helaan Bilbao.

Si aan usoo afjarno mowduuca, sidoo kale waxaa qasab ah inaan sheegno in Real Madrid ay tahay kooxda goolasha ugu badan dhalisay 18-kii sano ee lasoo dhaafay kulamada La Liga, waxeyna wadar ahaan dhaliyeen 1,652, mana lagu darin 10-ka gool oo ay dhaliyeen fasalkaan, waxey ka dhigan tahay in 91 gool ay fasal walba dhalinayeen isku cel-celis. Dhanka kale kooxda Barcelona waxey dhalisay mudadaas 1,619, waxeyna hal gool ka yaryahiin Real Madrid marka laga hadlo isku cel-celiska sanadkii goolasha.

 

Adigu maxey kula tahay? Makula tahay in xaqiiqooyinkaan lasoo qaatay ay Real Madrid kaga filan yahiin in la siiyo Biladaas? – FIKIRKAAGA HOOS KU QOR.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Laba naadi oo isku dhow dhinackasta sidan sahalka ah laguma kala saari karo inkastoo Realmadrid lakufsado markii laqabto 😂😂

    Visca Barca

Comments are closed.