Shabakada GOAL Oo Soo Dooratay Shaxda Kooxda Ilaa Haatan Ugu Fiican Horyaalada Yurub, Lionel Messi Oo Kusoo Baxay Iyo Cristiano Ronaldo Oo Ka Maqan.

Shabakada GOAL oo maalmihii ugu dambeeyay si joogto ah qiimayn ugu samaynaysay horyaalada qaarada Yurub ayaa haatan soo saartay shaxda 11-ka xiddig ee ilaa haatan ugu fiican guud ahaan kooxaha ree Yurub.

Shaxdan ayuu kusoo baxay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo guud ahaan 10 gool ka dhaliyay horyaalka balse waxaan ka dhex muuqan Cristiano Ronaldo oo ay si joogto ah ugu loolamaan saaxada ugu sarreysa kubadda cagta.

 

Shaxdan ayuu goolka uga soo muuqday goolhayaha kooxda Sevilla ee Tomas Vaclik kaas oo wacdaro dhigaya tan iyo markii uu lacagta 6.3 Milyan ka ah ugu soo biiray suuqii xagaaga, Goolhayahan kasoo jeeda dalka  Czech Republic ayaa sameeyay bad-baadinaha ugu badan ee goolhaye ka sameeyo Yurub ilaa haatan (57 badbaadinood)

Waxa daafaca midig ka muuqda Joao Cancelo oo aad u anfacay Juventus, Daafaca dhex ayay kuwada sugan yihiin Virgil Van Dijk oo si weyn u caawinaya Liverpool iyo Kalidou Kolibaly oo qayb ka ah Napoli halka uu daafac dhex ka yahay Jordi Alba.

Khadka dhexe ayay kuwada sugan yihiin Jorginho oo lagu sifeeyay saxeexa uguu fiican ee suuqa laga sameeyay xagaagii dhawaa, Allan oo muhiim ka ah khadka dhexe ee Napoli iyo waliba Lionel Messi oo No.10 ahaan loogu xulay shaxda.

Saddexda weeraryahan ayaa kala ah Kylian Mbappe oo 8 gool iyo saddex caawimo sameeyay ilaa haatan, Eden Hazard oo toddoba gool ku hoggaaminaya gool dhalinta Premier League iyo da’yarka qaabka duufaanta u qabsaday horyaalka Serie A ee Krzysztof Piatek oo Genoa ka tirsan.