Sergio Oo La Kulmay Ramos: Kabtanka La Roja Oo Sawir La Galay Curadka Askari Yahuud Ah Oo Lagu Dilay Jerusalem & Sababta Ka Dambeysa.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Kabtanka Real Madrid & qaranka La Roja Sergio Ramos waa mid mar walba caadeystay inuu saxiix siiyo sidoo kalana sawiro la galo jamaahiirtiisa, balse sawirkii uu kusoo galay magaalada Jerusalem ka hor inta uusan kusoo laaban Madrid, ayaa ahaa mid saameyn leh sida lagu qoray shabakadda Marca.

Sergio Ramos wuxuu la kulmay wiilyar oo yahuudi ah kaas oo loogu magac daray “RAMOS”, waxaa dhalay Askari Yahuudi ah oo lagu magacaabi jiray Haiel Sitawi oo lagu dilay masaajir ku yaala Jerusalem 14-kii July.

Haiel Sitawi oo 30-jir ahaa waxaa lala dilay saaxiibkiisa Kamil Shnaaan kaas oo isna ahaa 22-jir ka tirsan ciidanka Yahuudda xilli ay ku guda jireen waajibaadkooda qaran.

Haiel Sitawi wuxuu ahaa taageere mayal adag oo Real Madrid ah, sidaas darteed wuxuu aad u jeclaa kabtan Sergio Ramos taasoo keentay inuu wiilkiisa ugu horeeya uu ugu magac daray Ramos ka hor inta uusan geeriyoon.

Wiilka yar ee Ramos wuxuu kaliya dhalnaa sadex isbuuc markii uu aabahiis geeriyooday, balse wuxuu nasiib u helay inuu sawir la galo Sergio Ramos.

“Haiel wuxuu lahaa laba riyo, inuu aado Santiago Bernabeu si u arko kooxdiisa Real Madrid oo ciyaareysa iyo in isaga iyo wiilkiisa ay la kulmaan Sergio Ramos” ayuu yiri walaalka askariga la dilay oo lagu magacaabo Housam.

“Wuxuu ku guuleystay ka dhabeeyo riyadiisa ugu horeysa bisha May balse nasiib xumo, ma helin riyadiisa labaad, kadib dilkiisa, wuxuu isku dayay inuu kasoo kabto, waxaan go’aansanay inaan wiilkiisa Ramos la kulansiino Sergio Ramos”